Madaxweynaha dowladda federaalka oo soo dhaweeyey baarlamanka Juba * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweynaha dowladda federaalka oo soo dhaweeyey baarlamanka Juba

Muqdisho: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhoweeyay dhismaha baarlamanka maamulka ku meel gaarka ee Jubba oo dhowaan looga dhawaaqey magaalada Kismaayo.

“Waan soo dhoweynayaa talaabada horey loo qaadey ee dhismaha baarlamanka maamulka Jubba. Waxay tani ka tarjumeysaa sida ay inooga wada go’an tahay dhameystirka nidaamka federaalka ee dalkeena’’.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in hanaan walba oo la dhaqangelinayo ay la soo gudboonaato caqabado iyo cabashooyin ay dadku muujiyaan, balse muhimaddu ay tahay in la helo nidaam, kadibna la xaliyo murannada iyo cabashooyinka jira.

“Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay diyaar u tahay inay Maamulka KMG ee Jubba kala shaqeyso sidii loo xalin lahaa cabashooyinka ka dhashey hanaanka xulista baarlamanka ee maamulka, waxaana ujeedku uu yahay in beel kasta ay hesho saamiga ay xaqa u leedahay, baarlamankanina uu noqdo mid dadka oo dhan ay iska wada arkaan’’, ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn ugu baaqey dhammaan bulshada Soomaaliyeed inay gacan ka geystaan barnaamijyada lagu hirgelinayo hanaanka federaalka iyo sugidda amniga dalka.

-DHAMMAAD-

Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: daweis@presidency.gov.so

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!