Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Oo Caawa Soo Gaaray D.Warsheekh Iyo Xaflad Lagu Soo Dhoweynayo Oo Socota + Sawirro * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Oo Caawa Soo Gaaray D.Warsheekh Iyo Xaflad Lagu Soo Dhoweynayo Oo Socota + Sawirro

Wafdi balaaran uu hogaaminayo Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa Caawa waxa ay soo gaareen Degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Wafdiga uu hogaaminayay Madaxweyne Waare ayaa waxaa qeyb ka ahaa Marwada Madaxweynaha Hirshabelle, Madaxweyne ku Xigeenka maamulka Hirshabelle, Guddoomiyaha Baarlamaanka Wasiiro,Xildhibaanno ka tirsan Maamulka, iyo mas’uuliyiin kale waxaana Xarunta Degmada Warsheekh ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin kale duwan oo ugu horeyo Guddoomiyaha Degmada Warsheekh Ra’iisul Wasaarihii hore ee dowladii KMG aheyd Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cade) Xildhibaanada Qaranka Drs Mina Xaaji Sibbis Culimo’udiin, Odayaal iyo qeybaha kale duwan ee ku dhaqan Degmada Warsheekh.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare iyo wafdigiisa ayaa Caawa waxaa Xaflad balaaran oo lagu soo dhaweynayo loogu sameeyay islamarkaana hadda ay ka socotaa xarunta Maamulka Degmada, waxaana ku sugan goobta xafladda fanaaniin iyo barbaarta gaashaaman oo ku soo bandhigay heeso ka turjumaya nimcada eebe uu ku maneystay hirshabelle iyo Qaranimada Soomaaliya.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare iyo Marwadiisa ayaa caawa ku hoyanaya Magaalada Warsheekh, iyo sidoo kale dhamaan Mas’uuliyiinta la socda, waxaana si weyn loo adkeeyay ammaanka.

 

—–Dhamaad——

 

Xafiiska Warfaafinta Iyo Xiriirka Dadweynaha Madaxtooyada Dowladda Hirshabelle

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!