Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia: ” Anaga Ayaa Ula Kac U Xayirnay Webiga Shabelle”. * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia: ” Anaga Ayaa Ula Kac U Xayirnay Webiga Shabelle”.

Jigjiga ( Mareeg)-Madaxweynaha Dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia Cabdi Max’ud Cumar ( Ileey) ayaa sheegay in iyagu ay si ula kac ah u xireen Wabiga Shabelle si ay uga faa’iideeyaan shacabka Ethiopia.

Cabdi Max’ud Cumar Madaxweynaha DDSI ayaa xusay in tani ay muhiim u tahay shacabkiisa si ay uga faa’ideystaan beeraha iyo dalagyada ay ku abuuraan intaba.

“ waxaan kale oo aan uga faa’ideysaneynaa shirkado shisheeye oo aan kula heshiinay in ay noo leexiyaan biyo xireenada si beeraheenna aan ugu horumarsano” ayuu yiri Cabdi Max’ud Cumar.

Isagoo sii hadlayay Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia ayaa waxa uu hoosta ka xariiqay in iyaga ka dowlad ahaan ay muhiimada siinayaan shacabkooda gaar ahaan kuwooda dhibaateysan maadaama beerihii ay tabcadeen aanu yeelan wax soo saarkii loo baahnaa.

Deegaanno iyo degmooyin ka tirsan Koofurta Soomaaliya oo uu maro webiga Shabelle ayaa saameyn ay ku yeelatay gurista Biyaha Webiga iyagoo dadka Soomaaliyeed ee degan deegaanadaasina ay soo food saartay Biyo la’aan daran oo xittaa dad caruur ay ka mid yihiin ay u geeriyoodeen.

Culumaa’udiinka , waxgaradka iyo qeybaha Bulshada deegaanadaasi ayaa si isdaba joog ah uga dalbanayay dowladda Federaalka in ay suura geliso ka qaadista xayiraadaasi Webiga Shabelle ka saaran dhanka Ethiopia.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!