Madaxweynaha Dalka Jabuuti oo si weyn loogu soo dhaweeyay Jeddah + Sawirro

Read Time:29 Second

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta waxa ay gaareen Magaalada Jeddah ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Wafdiga ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Magaalada Jeddah ku soo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Boqortooyada Sacuudiga iyo xubno kale.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa waxaa lagu wadaa in uu Magaalada Jeddah kula kulmo Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki.

Dhinaca kale Ismaaciil Cumar Geelle ayaa Jeddah kula kulmay Boqorka Sucuudiga Boqor Salmaan Cabdulcasiis,iyagoo kala wada hadlay arrimo ay kamid ahaayeen  xiriirka labada dal,  arrimaha iskaashiga, nabad ku soo dabaalida Gobolka,iyo arrimo kale oo xasaasi ah.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 0 %
Sad
Sad
0 0 %
Excited
Excited
0 0 %
Sleepy
Sleepy
0 0 %
Angry
Angry
0 0 %
Surprise
Surprise
0 0 %