Madaxweynaha cusub ee Koonfur Galbeed oo xilka si rasmi ah ula wareegay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweynaha cusub ee Koonfur Galbeed oo xilka si rasmi ah ula wareegay

Madaxweynaha cusub ee maamul goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya C/ Casiis Xasan Mohamed Lafta gareen ayaa maanta xilka si rasmi ah ula wareegay, kadib munaasabad kooban oo ka dhacday Madaxtooyada Koonfur Galbeed.

Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed Cabdiqaadir Shariif Sheekhuna Maye oo sidoo kale ahaa kusimaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa maanta xilka ku wareejiyay Madaxweynaha cusub ee Koonfur Galbeed.

Munaasabada xil wareejinta waxaa kasoo qeyb galay Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Federaalka, Xildhibaano iyo Wasiiro katirsan Maamulka Koonfur Galbeed iyo xubno kale oo munaasabada lagu casuumay.

Madaxweynaha cusub ee Koonfur Galbeed ee maanta si rasmi ah ula wareegay xilka ayaa balan qaaday in uu la imaan doono waxqabad muuqda kana shaqeyn doono amaanka iyo horumarka Koonfur Galbeed.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!