Madaxweynaha Cusub Ee Hirshabeelle Oo Maanta Gaaray Magaalada Baledweyne
Wararka aan ka heleyno Magaalada Baledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in Goordhow halkaasi uu gaaray Wafdi balaaran uu hogaaminayo Madaxweynaha Cusub ee maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare.
Wafdiga uu hogaaminayo Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa waxaa qeyb ka ah Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle waxaana Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baledweyne ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka Hiiraan Odayaasha dhaqanka Gobolka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.
Madaxweynaha Cusub ee maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare inta uu ku sugan yahay Magaalada Baledweyne waxa uu la kulmi doonaa Qeybaha kala duwan ee Bulshada oo ay ugu horeeyaan Odayaasha dhaqanka oo uu kala hadlayo wada shaqeynta maamulka Cusub.
Ammaanka Magaalada Baledweyne ayaa maanta ayaa aad loo adkeeyay, waxaana xiran Wadooyinka qaar oo lagu arkayo Ciidamo hubeysan, kuwaasi oo ku jira feejignaan dheeri ah.
Madaxweyne Waare waa socdaalkii ugu horeeyay ee uu ku tagao Magaalada Baledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan,tan iyo markii loo doortay in uu noqdo Hogaamiyaha Cusub ee maamulka Hirshabeelle.
Comments are closed.