Madaxweynaha Burundi oo maanta booqasho ku tegay Muqdisho (Faahfaahin) * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweynaha Burundi oo maanta booqasho ku tegay Muqdisho (Faahfaahin)

Muqdisho – Mareeg.com: Madaxweynaha dalka Burundi, Pierre Nkurunziza ayaa maanta (22-4-2014) soo gaaray caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Madaxweynaha Burundi waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyey mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, waxaana markaas kadib loo galbiyey xarrunta madaxtooyada Villa Somalia.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamud ayaa soo dhoweeyey Madaxweynaha Burundi, Pierre Nkurunziza, oo uu yiri “Ciidanka Burundi ee AMISOM waxey kaalin muhiim ah ka qaateen horumarka isbedelka Soomaaliya.”

Madaxweynaha ayaa yiri “Aad iyo aad baan ugu faraxsanahay inaan Madaxweynaha Burundi ku soo dhoweeyo Muqdisho. Ciidanka Burundi ayaa nala joogay tan iyo December 2007, mana illaabi karno dadaalkooda dib u soo celinta amniga Soomaaliya iyo sida ay naftoodu ugu horeen oo ay dhiigooda noo hureen si dalka uu nabad u noqdo.”

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Mudadii ay ciidanka Burundi dalka ku sugnaayeen horumar ballaaran baa la sameeyey, Muqdisho oo kooxahii nabad-diidka laga saaray, oo maanta Muqdisho ay ku tallaabsatay horumar baaxad leh.

Sidoo kale gobollo fara badan ayaa gacanta Al-Shabaab laga saaray sida Baydhabo, Kismaayo, Marka, Jowhar, Beledweyne, Xudur, iyo goobo kale. Ciidanka Soomaaliyeed iyo AMISOM ayaa ku howlan sidii Al-Shabaab looga saari lahaa goobaha ay joogaan oo shacabka loo gaarsiin lahaa faa’iidada nabadda. Waxaa mahad gaar ah leh ciidamada Burundi iyo kuwa kale ee Afrika ee noo soo gurmaday.”

Madaxweynaha ayaa hadalkiisa ku soo gunaanaday “Waxaan sii xoojin doonaa xiriirka labada dal, bacdamaa ay Soomaaliya sameynesyo horumar isuna diyaarineyso in dalka ay doorashooyin ka dhacaan 2016. Waxaana mahad gaar ah u soo jeedineynaa wallaalaheen Burundi dowladooda iyo shacabkoodaba.”

Madaxweynaha Burundi ayaa maanta sidoo kale kulan la qaadan doono Taliyaha ciidanka AMISOM Lt. General Silas Ntigurirwa, isagoo booqan doono goobaha ciidanka Burundi joogaan.

Burundi ayaa ka mid ah dalalka ciidamadu ka joogaan dalka Soomaaliya, kuwaasoo dagaallo adag la galay Alshabaab.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!