Madaxweynaha Burundi oo ku laaban waayey dalkiisa kadib afgembiga * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweynaha Burundi oo ku laaban waayey dalkiisa kadib afgembiga

Madaxweynaha dalka Burundi, Pierre Nkurunziza oo shalay isku dayey inuu dalkiisa dib ugu laabto kadib marki taliye sare ku dhawaaqay inuu afgembi sameeyey ayay usuurageli weyday inuu gaaro caasimadda dalkaas ee Bujumbura.

Rasaas ayaa laga maqlayaa bartamaha caasimadda Burundi halkaas oo uu ka dhacay iskuday inqilaab ka dhan ah madaxwayne Pierre Nkurunziza.

Waxaa la soo sheegayaa in haatan ciidammada dalka Burundi ay u kala jabeen laba dhinac; koox taageersan inqilaabka iyo kuwa ka soo horjeeda.

Janaraal Godefroid Niyombareh, oo horay u ahaa Taliyaha Nabad Sugidda, balse xilka laga qaaday ayaa ku dhawaaqay in la dhisay guddiga badbaadinta qaranka si ay dalka u maamulaan.

Hase yeeshee, ma cadda inta ay dhantahay taageerada isaga iyo saraakiisha kaleba ay haystaan.

Sarkaal ka tirsan Dawladda Tanzania ayaa sheegay in madaxweynaha dalka Burundi Pierre Nkurunziza, aysan u suurta galin in uu dib ugu noqoda dalkiisa, si uu ula tacaalo inqilaabka dhacay.

Diyaaradii waday waxa ay dib ugu noqotay Tanzania, halkaas oo uu kaga qeybgalay kullan madaxeedka wadammada gobalka Bariga Afrika ee looga hadlayay xaalada dalkiisa.

Waxaa loo sheegay in diyaaraddii siday aysan ka degi karin garoonka Bujumbura oo ay gacanta ku hayaan kuwa afgembiga sameeyay.

Burundi's President Pierre Nkurunziza talks to the media during a joint press conference with European Union Commission President Jose Manuel Barroso, unseen, at the end of their meeting  at the EU Commission headquarters in Brussels, 5 December 2005.

Madaxweynaha Burundi Pierre Nkurunziza

51 jirkan horay u ahaa hogaamiye jabhad waxa uu ku doodayaa in markii koobaad ay baarlamaanku doorteen 2005, sidaas daraadeedna aan loo xisaabin, oo uu xaq u leeyahay labo jeer oo ay shacabku doortaan.

Dhanka kale, ciidamada afgembiga sameeyey iyo dadweyne aad u farabadan oo maalmahaan dhigayey debadbax ka dhan ah madaxweynaha ayaa igusu soo baxay waddooyinka waweyn, iyagoo ku faraxsan inqilaabka dhacay.

dabaal-deg (1)dabaal-deg (2)dabaal-deg (3)dabaal-deg (4)dabaal-deg (5)dabaal-deg (6)dabaal-deg (7)dabaal-deg (8)

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!