Madaxweynaha Burundi oo awood u helay inuu ku laabto dalkiisa

Read Time:1 Minute, 22 Second

Mareeg.com: Madaxweynaha dalka Burundi, Pierre Nkurunziza, oo ka badbaaday afgembi dhicisoobay isagoo ku maqan dalka Tanzania  ayaa waxa uu maanta tagay magaalada caasimadda u ah dalka Burundi, ee Bujumbura.

Madaxweynaha ayaa markii uu kasoo laabtay dalka Tanzania tegay deegaanka uu kasoo jeedo ee Ngozi, wuxuuna maanta uga gudbay magaalada caasimadda ee Bujumbuura, iyadoo ay galbniyaan tobannaan gaadiid ah.

Dad ka agdhow madaxweynaha waxa ay sheegayaan inuu galabta khudbad u jeedin doono shacabka dalkaas, oo maalmahan walwal badan hayey.

Taageerayaasha Nkurunziza, oo u badan dhalinyaro ka tirsan xisbiga talada dalka haya, oo loo yaqaano Imbonerakure, ayaa isu soo baxay wadooyinka iyaga lulayo caleemo, heesaya, dabaaldagayana.

Waxa ay isugu soo baxeen wadada weyn ee tagta madaxtooyada. Waxa ay sheegeen in ay sugayaan qudbadda madaxweynaha. Kolonyo gawaari iyo askar hubaysan ayaa waxa ay horkacayeen gaariga madaxweynaha.

Waxaa la sheegayaa in markale ay soo laaban karaan debadbaxyadii looga soo horjeeday Nkurunziza, ee lagu diidanaa in uu u tartamo jagadaasi mar sedexaad.

Weriyayaasha ku sugan Bujumbura ayaa waxay sheegyaan iney goobjoog u ahaayeen jidgoon laga sameeyay agagaraaka Musaga iyo Bileys saaran mootooyin oo roonda sameynaya. Dadka deegaanka ayaa sheegaya in Bileyska ay rasaas ku fureen dibad baxayaasha.

Waxaa weli hakad ku jira dhaqdhaqaaqa magaalada caasimadda ah, iyadoo ay xiran yihiin goobaha ganacsiga, biyuhuna ay ka go’een magaalada kadib dagaalkii shalay dhacay.

Saddex ka mid ah saraakiishii hoggaaminayey af-gambigii la isku dayey ayaa Xabsiga la dhigay, iyadoo baxsada ku maqan yahay sarkaalkii ugu sarreeyey ee lahaa maskaxda afgembiga lagu abaabulay.

Janaraal Godefroid Niyombareh, oo horay u ahaa Taliyaha Nabad Sugidda, balse xilka laga qaaday ayaa ahaa ninkii ku dhawaaqay, lamana oga meel uu ku sugan yahay. 

Mareeg Media

 

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.