Madaxweynaha Burundi oo aan tegi doonin shir ka dhacaya Tanzania * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweynaha Burundi oo aan tegi doonin shir ka dhacaya Tanzania

Mareeg.com: Madaxweynaha Burundi Pierre Nkurunziza ayaa la sheegay in aanu ka qeyb geli doonin kullanka madaxda Afrika ay ku yeelanayaan dalka Tanzania ee ay doonayaan in ay xal ugu raadiyaan mushkiladda siyaasadeed.

Afhayeen u hadlay madaxweynaha ayaa waxa uu sheegay in madaxweynaha aanu ka qeyb gelin doonin kullankaasi oo uu diiradda saari doono ololaha doorashada.

Waxa uu intaasi ku daray in wasiirka arrimaha dibeda ee Burundi uu ka qeyb geli doono kullankaas oo ay isugu imaanayaan madaxda wadamada Kenya, Uganda, Rwanda iyo Tanzania.

Bishan horranteedii markii Mr Nkurunziza uu ka qeyb galay kullankii ay yeesheen madaxda Bariga Afrika, waxa dalkiisa ka dhacay afgambi dhicisoobay oo la doonayey in xilka looga tuuro.

Burundi waxa ka taagnayd qalalaaso siyaasadeed tan iyo markii uu Madaxweyne Nkurunziza sheegay in uu doonayo in uu isu soo sharaxo mar saddexaad xilka madaxweynanimo.

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!