Madaxweyen Farmaajo Oo Kormeeray Xarumo Ciidan * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxweyen Farmaajo Oo Kormeeray Xarumo Ciidan

Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo madaxweynaha JFS ayaa maanta booqday Xerooyin Ciidamada Xoogga dalka ay ku leeyihiin M/ Muqdisho.

Waxaana ka mid ah xarumaha uu booqday madaxweyne Farmaajo Xerada Bangala oo ku taalla degmada Deyniile iyo xarunta Wasaaradda Gaashaanshigga.

Madaxweynaha ayaana halkaasi kula kulmay saraakiil iyo Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Waxaana la sheegay in ay ka wada haleen arrimaha ammaanka iyo howlgallada ka dhan ah Al Shabaab ee ka socda dalka.

Dowladda Soomaaliya ayaa wada qorshe guud oo lagu xaqiijinayo ammaanka, loogana hortagayo weerarada Al Shabaab ay ka geystaan magaalada Muqdisho.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!