Madaxwene Xasan oo la kulmay xildhibaanada taageersan RW Cabdiweli

Read Time:43 Second

Mareeg.com: Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in xalay madaxweyne Xasan Sheekh uu madaxtooyada kula kulmay xildhibaanada taageersan R/wasaare Cabdiweli Shekh Axmed.

Sida ay sheegayaan Ilo Xog-ogaal ah, madaxweynaha ayaa xildhibaanadaas kala hadlay ineysa mar kale carqalad ku noqon kulanka baarlamaanka ee Isniinta lagu horgeynayo mooshinka ka dhanka ah R/wasaare Cabdiweli Sheekh.

Kulanka dhexmaray madaxweynaha iyo xildhibaanadaas ayaa la sheegay in dhamaaday iyadoo aan la isla gaarin natiijo wax ku ool ah.

Laboo jeer oo hore ayaa xildhibaano taagreesan RW Cabdilweli waxey buuq ku horjoogsadeen cod loo qaadi lahaa xukuumadda.

Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa shalay sheegay in isniinta la qaban doono fadhiga baarlamaanka, islamarkaana la geyn doono mooshinka ka dhanka ah RW Cabdiweli Sheekh.

Jawaari ayaa ku hanjabay inaan la aqbali dooni buuq hor kale oo lagala horyimaado fahdiga baarlamaanka.

Mareeg Media

 

 

 

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %