Madaxtooyada & taliska milateriga oo beeniyey in taliyaal sare xilka laga qaaday

Muqdisho – Mareeg.com: Madaxtooyada Soomaaliya iyo taliska milateriga ayaa beeniyey in xil ka qaadis lagu sameeyay taliyaha ciidanka xooga dalka, General Daahir Aadan Cilmi (Indha qarshe) iyo Abaan Duulaha General C/risaaq Khilaaf Cilmi.

Qaar ka mid ah warbaahinta qaar ee Soomaalida, ayaa tabineysay in labadaas sarkaal xil ka qaadis lagu sameeyay xubnahaan, laguna soo kala bedelay General C/laahi Cali Caanood iyo General C/laahi Cismaan Cagey.

Shadoor Xaaji Shadoor, Xoghayaha Saxaafada ee Madaxtooyada Somaliya, ayaa wuxuu war been abuur ah uu ku tilmaamay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, uu xilalkii ka xayuubiyay xubnahaasi.

“Waxaa jira warar been abuur ah oo ay tabisay Saxaafada qaar, waxaan cadeynayaa inaysan jirin xil ka qaadis lagu sameyay Taliyaha iyo Abaan Duulaha Ciidamada Xooga Dalka.” ayuu yiri Shadoor.

“Warbaahinta uma fiicna inay bulshada u tabiso been ama war aysan hubin.” ayuu sii raaciyay Xoghayaha Saxaafada ee Madaxtooyada Somaliya.

Dhinaca kale, war-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska warfaafinta ee taliska ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa lagu beeniyay warar ay warbaahinta Soomaalida qaarkeed qoreen ayna shacabka Muqdisho isla dhex-marayeen maanta kaasoo ku saabsanaa in xilalka laga qaaday taliyaha ciidamada xoogga dalka iyo abaanduulaha.

Agaasimaha warfaafinta ee taliska ciidanka xoogga dalka, C/llaahi Iimaan Ceynte oo ka hadlay arrinta ayaa sheegay in warkaas uu yahay mid ay ka been ah oo aan jirin, isagoo sheegay inaysan jirin xilal laga qaaday taliyaha ciidamada xoogga iyo abaanduulaha.

“Wararkaas waa kuwa aan sal iyo raad midna lahayn, taliyaha ciidamada xoogga dalka iyo abaanduulaha shaqadooda si caadi ah ayay u wataan, waxaana shacabka Soomaaliyeed u sheegeynaa in xaqiiqda ay tahay in wax isbedel ah oo taliska lagu sameeyay uusan jirin,” ayuu yiri agaasimaha warbaahinta ee ciidanka xoogga.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245