Madaxtooyada Soomaaliya oo si rasmi ah ugu dhawaaqday booqashada madaxweynaha Turkiga * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxtooyada Soomaaliya oo si rasmi ah ugu dhawaaqday booqashada madaxweynaha Turkiga

Mareeg.com: War rasmi ah oo kasoo baxay xafiiska Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu xaqiijiyey in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu beeri Muqdisho kusoo dhaweyn doono madaxweynaha dalaka Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan.

Qoraalkan oo uu warbaahinta gaarsiiyey Afhayeenka Madaxweynaha, Daa’uud Aweys ayaa u qornaa sidan:- 

Muqdisho: 22 January 2015: Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu beri dalka ku soo dhoweeyo Madaxweynaha Turkiga Mudane Recep Tayyip Erdoğan.

Socdaalkan ayaa noqonayaa kii labaad ee Madaxweyne Erdogan ku yimaado Soomaaliya, iyadoo safarkiisii ugu horeeyey uu ahaa sannadkii 2011, isagoo markaasi ahaa Raiisul Wasaaraha Turkiga.

Labada Madaxweyne ayaa yeelan doona wadahadalo la xiriira iskaashiga labada dal, kuwaas oo diiradda lagu saari doono barnaamijyada horumarinta ee Turkiga ka wado Soomaaliya iyo arrimo kale oo waddanka waxtar u leh.

Madaxweyne Erdoğan ayaa booqan doona qaar ka mid ah mashaariicda Turkiga uu maalgeliyo, ka hor intaanu dhameysan socdaalkiisa.

DHAMMAAD

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.