Madaxtooyada Soomaaliya oo rabta kala daadinta xildhibaanada diidan xukuumadda cusub * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxtooyada Soomaaliya oo rabta kala daadinta xildhibaanada diidan xukuumadda cusub

Mareeg.com: Madaxtooyada Soomaaliya ayaa rabta iney kala jebiso xildhibaano aan yareyn, kuwaasoo aad uga soo horjeestay xukuumadda cusub ee uu dhawaan magacaabay RW Cumar C/rashiid Cali Sharmarke.

Ilaa 100 Xildhibaano oo ku sugan Magaalada Muqdisho, ayaa aragti mideysan kaga horyimid Golaha Wasiirada ee 12-kii bishaan uu ku soo dhawaaqay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Somaliya.

Madaxtooyada, ayaa waxay u yeertay tiro ka mid ah xubnaha hor boodaaya Xildhibaanada Baarlamaanka ee ka biyo diidan inay meel mariyaan Golaha Wasiirada cusub.

Wararka waxay intaa ku darayaan in Madaxtooyadu ay dooneyso inay kasbato taageerada Xildhibaanada Baarlamaanka, ka hor inta aan la gaarin maalinta Sabtida, oo lagu wado in codka kalsoonida loo qaado Xukuumadda.

Gudoonka baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in sabtida soo socda golaha wasiirada ee cusub loo qaadi doono codka kalsoonida.

Madaxtooyada oo la sheegay iney gacan weyn ku laheyd dhismaha xukuumadda cusub oo ay ku jiraan dad muran ka jiro ayaa dooneysa in sabtida ka hor ay kala daadiso xildhibaanada diidan xukuumadda.

Mareeg Media

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More