Madaxtooyada Puntland oo lacag ku bixisay dhaleeceynta lataliyaha amniga Qaranka iyo xog ku saabsan ragga majaraha u haya maamulka. * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxtooyada Puntland oo lacag ku bixisay dhaleeceynta lataliyaha amniga Qaranka iyo xog ku saabsan ragga majaraha u haya maamulka.

Xili shacabka maamul Goboleeddka Puntland ay aad u jecelyihiin midnimada iyo wadajirka umadda Soomaaliyeed ayaa hadana waxa ay quus ka taagan yihiin maamulkooda Puntland iyagoo waliba aan rabin joogitaanka Imaaradka Carabta.

Sidoo kale shacabka Puntland ayaad uga soo hor jeeda dowladda Imaaradka Carabta oo wax xiriir ah aan la laheyn Dowladda Federalka iyagoo dhowr jeer dalbaday in dalka laga saaro saraakiisha u dhashay Imaaradka Carabta ee Kheyrdaadka maamulkaasi doonaya iney la wareegaan.

Hadaba madaxtooyada Puntland ayaa bilowday iney dhaleeceyso madaxda Qaranka iyadoo soo alifatay eedeymo been ah oo waxba ka jirin.

Xasan Cabdullahi Deni oo la dhashay  Saciid Deni ahna u qeysanaha arrimaha Imaaradka Carabta  ayaa lacag badan ku bixinaya Dacaayadeynta Lataliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, isagoo adeegsanaya baraha bulshada.

Xasan Cabdullahi waa ninka Puntland u xil saaran danaha Imaaradka uu ka leeyahay dhulka iyo Badda isagoo siinaya mashaariic farabadan, waxaana xusid mudan inuu hor boodayo sidii uu Garacad ugu wareejin lahaa shirkadda DP World.

Madaxtooyada Puntland oo lacag ku bixisay dhaleeceynta lataliyaha amniga Qaranka iyo xog ku saabsan ragga majaraha u haya maamulka.
Madaxtooyada Puntland oo lacag ku bixisay dhaleeceynta lataliyaha amniga Qaranka iyo xog ku saabsan ragga majaraha u haya maamulka.

Dhanka kale Abdulrabbi  agaasimaha  PMPF ayaa isna adeer Laxmi u yahay madaxweynaha Puntland Saciid Deni ayaa sidoo kale la shaqeynaya Imaaradka Carabta iyo talisyada guud ee ciidanka si shacabka loo caburiyo oo aysan u soo bandhigin taageerada ay u hayaan dowladda Federalka Soomaaliya ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo hogaaminayo.

Sidoo kale madaxtooyada Puntland ayaa daba dhigtay madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi mudane Axmad Karaash wiilka la dhashay Saciid deni ee Xasan Cabdullahi Deni iyadoo aan madaxweyne ku xigeenka loo ogoleyn dhaqdhaaq siyaasadeed iyo mid caadi ahba.

Sidoo kale Saciid Deni oo danahiisa qaaska ilaashanaya ayaa waxa uu madaxtooyada ka shaqaaleysiisay wiilkiisa kaa oo isna kamid ah dadka ugu saameynta badan maamul goboleeddka Puntland.

Hadaba Saddexdan nin oo aad ugu dhaw madaxweynaha Puntland Saciid Deni ayaa ka awood iyo miisaan culus wasaaradaha iyo hay’adaha kala duwan ee maamul goboleedka Puntland iyagoo xiiir dhaw la leh Imaaradka Carabta oo dadka reer Puntland ay aad uga soo hor jeedaan.

Hadaba su’aalaha isweydiinta mudan waxey tahay:

Puntland ma shirkad nin leeyahay baa?

Maxaa keenay in walaalihiis, wiilasha uu dhalay iyo kuwa uu adeerka u yahay ka awood badanyihiin wasiirada iyo madaxweyne kuxigeenka?

Muqdisho-Somalia                

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.