Madaxtooyada oo si kulul uga hadashay hadal kasoo yeeray Cumar C/rashiid

Read Time:45 Second

Maamulka Madaxtooyada Soomaaliya ayaa si kulul u beeniyay wararka sheegaya in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu berri safar u yahay ka qeyb galka shir la sheegay inuu ku saabsan yahay heshiis amni oo heer gobol ah oo ka dhici doona Itoobiya.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Cabdirashiid Maxamed Xaashi ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku tilmaamay warkaas mid aan waxba ka jirin oo la been abuuray.

Waxaa uu intaas ku daray in Safarrada shaqo ee Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Farmaajo ay yihiin kuwo daahfuran oo xogtooda ay si dhammeystiran u soo gudbiyaan Warbaahinta dalka.

Agaasimaha ayaa xusay in madax xilal muhiim ah ka soo qabtay dalka ay ku jahwareeriyaan shacabka Soomaaliyeed xog aan sugnayn, iyaga oo uga gol leh dano siyaasadeed oo gaar ah.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa sheegay inay Soomaaliya heshiis amni la saxiixanayso dalalka Itoobiya iyo Eritrea, isagoo arrintaasna ka digay.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.