Madaxtooyada Iyo Xafiiska Raysul Wasaaraha Oo Loolan Ka Wada Gudah Baarlamaanka * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxtooyada Iyo Xafiiska Raysul Wasaaraha Oo Loolan Ka Wada Gudah Baarlamaanka

Muqdisho, Mareeg.com: Wakiilo ka kala socda xafiiska madaxtooyada Soomaaliya iyo xafiiska Raysul Wasaaraha ayaa loolaan iyo galaangal ka dhex wada gudaha baaarlamaanka Soomaaliya iyadoo ay gebagebo ku dhowdahay dooda xildhibaanadu ka yeelanayaan mooshinka ka dhanka ah Saacid.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa Mareeg.com u sheegay in xubno ka kala socda labada xafiis ay xodxodasho ka wadaan gudaha xildhibaanada, iyadoo kooxda ka socota xafiiska madaxweynaha ay dadaal ugu jiraan sidii Saacid meesha looga saari lahaa, halka kooxda ka socota Raysul Wasaaraha ay doonayaan in arrintaas guuldareysato.

Faragelinta labada xafiis ee dooda baarlamaanka ayaa keeni karta natiijo lama filaan ah, maadaama laga yaabo inuu dhaco musuqmaasuqii lagu bartay khilaafka madaxda dowladda sanadihii lasoo dhaaafay, iyadoo ay dhici jirtay in la adeegsado lacagao farabadan si kursi loo sii heysto ama mas’uul kuris looga qaado.

Xildhibaanadii shalay ayaa hadlay ayaa u badnaa kuwa ka horjeeda R/wasaare Saacid hase ahaatee kuwa maanta hadlay ayaa waxaa ku jiray xubno badan oo difaacayey Saacid, iyadoo qaar ka mid ah xildhibaanada hadlay oo ka mid ahaa kuwii saxiixay mooshinka ay laabteen oo raaceen garabka taageeraya Saacid.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!