Madaxii Sirdoonka Maamulkii Cabdi Maxamuud Cumar oo la xiray * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxii Sirdoonka Maamulkii Cabdi Maxamuud Cumar oo la xiray

Ciidamada Booliska Soomaaliland ayaa waxaa Magaalada Hargeysa ay ka qabteen Madaxii Sirdoonka Maamulkii Dowlad Degaanka Soomaalida ee uu hoggaamin jiray Cabdi Maxamuud Cumar,kaas oo lagu Magacaabo Mukhtaar Sheekh Subane.

Ninkaan oo aad loo doon doonayey ayaa waxaa la sheegay in lagu wareejiyey Ismaamulka hadda jira ee uu hoggaamiyo Mustafe Maxxsamuud Cagjar.

Mukhtaar Sheekh Subane waxaa uu ahaa Taliyaha Nabad Sugidda Maamulkii Cabdi Maxamuud Cumar,waxaana uu ku eedeysanyahay in uu ahaa gacanta midig ee Cabdi kaas oo dadka kula kici jiray dil, jir dil iyo xabsi aan maxkamad lahayn.

Mukhtaar Sheekh Subane waxaa uu ka mid yahay liis ka kooban 46 qof oo ay Maxkamadaha Itoobiya u jareen warqadda soo qabashada,kuwaas oo qaarkood gacanta lagu dhigay islamarkaana Maxkamad la soo taagay halka kuwo kalena uu dabagal ku socdo.

Hay’adaha u dooda xuquuqda Aadanaha ayaa warbixinnada ay ka soo saareen gaboodfallada ka dhici jiray Xabsiga Jeel Ogaadeen waxaa ay ku soo dareen Mukhtaar Sheekh oo lagu eedeeyay in uu dadka ku dilay jiray gudaha Xabsiga isla goobtana ku aasi jiray.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!