Madaxii Daacish ee Koonfurta Somalia oo ku dhex geeriyoodey Xabsiga Muqdisho

Read Time:45 Second

Sarkaal sare oo ka tirsanaa kooxda Daacish kuna xirnaa xabsi kuyaala magaalada Muqdisho ayaa lagu soo warramayaa inuu geeriyooday.

Sarkaalka xabsiga ku dhex geeriyooday oo lagu magacaabi jiray Mahad Mohamud Abu Yasin, ayaa la sheegayaa inuu u geeriyooday xanuuno isbaheystay oo lasoo darsay muddooyinkaan dambe.

Mahad Maxamuud Abuu Yaasin, ayaa heystay dhalashada dalka, waxayna maxkamadda ciidamada bishii Agoosto ee sanadkii 2018-kii ku xukuntay xabsi dhan 15 sanadood kadib markii ay ku heshay inuu xubin ka yahay kooxda argagixisada ah ee Daacish.

Abuu Yaasin, ayaa xilligii lasoo qabanayay dadaal ugu jiray sidii Soomaaliya uu uga aas aasi koox kale oo Daacish ah oo ka madax banaan Daacish-ta Soomaaliya ee uu hogaamiyo Cabduqaadir Muumin.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa xilligii la xukumayay Mahad iyo sarkaal kale soo bandhigay warqad cabasho ka dhan ahayd horjoogaha Daacishta Soomaaliya oo uu sarkaalkan u qoray horjoogihii kooxda Daacish Abuukar Al-Baqdaadi ee duqeynta lagu dilay.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %