Madaxeyne Xasan oo wax ka xusay guulihii Turkiga ee dagaalkii 1-aad ee Aduunka

Read Time:42 Second

Mareeg.com: Madaxweynaha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Istanbul kaga qeybgalaya shir madaxeed lagu dhiirigelinayo nabadgelyada adduunka iyo xuska guushii ciidammadii Turkiga, xilligii Boqortooyadii Cusmaaniyiinta ay ka gaareen Dagaalkii 1aad ee Dunida.

Madaxweynaha iyo qaar ka mid ah hoggaamiyeyaasha dunida ayaa ka qeybgeli doona munaasabadaha shirka iyo xuska isugu jira oo si rasmi ah u bilaaban doona maalinta beri oo ku began 23-ka bisha April.

Waxaa la filayaa inta munaasabadahan ay socdaan in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu kulamo la qaato madaxda Turkiga iyo hogaamiyeyaasha kale ee ka soo qeybgalaya.

Madaxweynaha waxaa socdaalkiisa ku wehliya mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa intaanu imaan Turkiga, waxaa uu magaalada Aqaba ee dalka Jordan kaga soo qeybgaley shir madaxeed looga hadlayey amniga Geeska Afrika iyo qaababka ugu habboon ee looga hortagi karo argagixisada.

-DHAMMAAD-

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.