Mas’uuliyiintaan ayaa si siman ula kulmay Xoghayaha Arrimaha Debadda Mareykanka, iyadoo qaarkood si degdeg ah kusoo gaareen Muqdisho, si aan looga sheekeyn fariinta uu sido John Kerry.
Sida ka muuqata sawirrada kulanka laga qaaday iyo sawirka ay mas’uuliyiintu la galeen John Kerry, madaxda dowladda Federaalka ah iyo kuwa dowlad goboleedyada ayaa u eg kuwa siman!
Reer Galbeedka iyo qaar ka mid ah dalalka Midowga Afrika ayaa u muuqda iney awood badan siinayaan dowlad goboleedyada, lagana dhigayo kuwa la loolami karo dowladda Dhexe ee Federaalka ah.
Haddii dowlad goboleedyadu wax ku lahaadaan wax kasta oo la xiriira siyaasadda guddaha iyo debadda maxaa u haray dowladda federaalka ah oo ay gaar u leedahay?
Waxaa muhiim ah iney jiraan arrimo cayiman oo aysan marna ka hadli karin dowlad goboleedyadu, waxaana muuqata inaan awoodahaas la kala saarin, lana dooneyn in la kala saaro si aan mustaqbalka loo murmin!
Haddii uu dalka yimaado wasiir Arrimo Debadeed waxaaba ku filneyd inuu la kulmdo dhiggiisa Soomaaliya, haddiise la yiraahdo madax kale halla kulmo waxey ku habooneyd in lagu soo koobo madaxda federaalka.
Sida aad ku arki karto, sawirka ugu sarreeya, wasiirka Arrimaha Debadda Soomaaliya, C/salaam Hadliye Cumar oo ah dhigga John Kerry, lana fariisiyey meel dambe ayaa qoorta soo taaganaya!
Kulanka shalay lagu marti geliyey madaxda dowlad goboleedyada ee lala yeeshay John Kerry wuxuu isla qab weynin gelinayaa hogaamiyaasha maamulladaas!
Akhriste daawo sida looga qeybgalay kulanka, fekerkaana ka dhiibo sida ay kula tahay? Mareeg Media
This site uses functional cookies and external scripts to improve your experience. Which cookies and scripts are used and how they impact your visit is specified on the left. You may change your settings at any time. Your choices will not impact your visit.
NOTE: These settings will only apply to the browser and device you are currently using.
Comments are closed.