Madaxda maamulada Puntland iyo Galmudug oo gaaray magaalada Gaalkacyo * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxda maamulada Puntland iyo Galmudug oo gaaray magaalada Gaalkacyo

Madaxweynayaasha maamul goboleedyada Galmudug iyo Puntland C/kariin Guuleed iyo C/wali Gaas ayaa maanta gaaray magaalada Gaalkacyo.

Labada hogaamiye oo ku kala sugan woqooyiga iyo Koonfurta magaalada Gaalkacyo iyagoo goor dhow kulan ku yeelanaya garoonka dayuuradaha magaaladaas.

Waxyaabaha kulankan diirada lagu saarayo ayaa waxaa ka mid ah sidii loo joojin lahaa xalna loogu heli lahaa dagaalada todobaadyadii la soo dhaafay ku dhexmarayey galbeedka magaalada Gaalkacyo ciidamo kala taabacsan labada maamul.

Masuuliyiin ka kala socota dowlada Somalia, beesha caalamka iyo dowlad goboleedyada kale ee dalka ka jira qaarkood ayaa iyana ku wajahan magaalada Gaalkacyo si ay nabadeynta Gaalkacyo uga qeyb qaataan.

Ku dhowaad boqol ruux ayaa ka dhintay boqolaal kalena wey ku dhaawacmeen dagaalo magaalada Gaalkacyo ku dhexmarayey muddo todobaadyo ah ciidamada labada maamul ee isku hor fadhiya galbeedka magaaladaas, kumanaan kale ayaa sidoo kale ku barakacay dagaaladan oo salka ku haya muran dhuleed la siyaasadeeyey.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!