Madaxda Turkiga iyo Itoobiya oo ka wada hadlay xiriir ganacsi (Sawirro)

Read Time:46 Second

Mareeg.com: Madaxweynaha dalka Turkiga, Reccep Tayyip Erdogan oo shalay booqasho ku tegay dalka Itoobiya, halkaasoo uu kula kulmay R/wasaaraha dalkaas Hailemariam Desalegn.

Sidoo kale, Madaxweynaha Turkiga ayaa la kulmay madaxweynaha dalka Itoobiya, Dr. Mulatu Teshome, waxaana labada dhinac ka wada hadleen arrimo la xiriira xagga ganacsiga.

Recep Tayyip Erdogan ayaa inta uu kulanka la qaadanaayay madaxda dalkaasi u ballanqaaday inuu xoojin doono xiriirka kala dhexeeya dalka Itoobiya waxa uuna sheegay inay ka fulin doonaan mashaariic hormarineed.

Labada dal waxa ay kala saxiixdeen Heshiisyo dhowr ah oo muujinaayo Hanaan ganacsi oo dhexmara labada dal ee Turkiga iyo Itoobiya.

Reccep Tayyip Erdogan ayaa booqan doona 12 dal oo Afrikaan ah, iyadoo Turkigu uu xooga saarayo xiriir uu la yeesho qaaradda Afrika oo inta badan kheyraadkeedu dahan yahay.

Madaxweynaha Turkiga oo maanta booqaan lahaa caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, hase ahaatee wuxuu dib u dhigay kadib markii uu geeriyooday boqorkii Sacuudi Carabiya, Cabdalla Bin C/caziiz.

Mareeg Media

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.