Madaxda Soomaaliya oo ku farxay dilka Mareykanku sheegay inuu u geystay Amiirka Alshabaab * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxda Soomaaliya oo ku farxay dilka Mareykanku sheegay inuu u geystay Amiirka Alshabaab

Mareeg.com: Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo R/wasaare C/weli Sheekh Axmed ayaa soo dhaweeyey war kazoo baxay wasaaradda Gaashaandhiga Mareykanka, kaasoo sheegayey in la dilay hogaamiyaha Alshabaab Axmed Cabdi Godane oo loo yaqaanay Sheekh Mukhtaar C/raxmaan Abuu Zubeyr.

Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa sheegay in hogaamiyaha Alshabaab uu dhib weyk ku hayey dalka iyo dadka Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay in wixii xilligaan ka dambeeya ay Alshabaab u dhamaatay.

“Waxaan leenahay dhallinyarada Shabaab ka tirsan, waa uu dhammaadey waqtigii kooxdaasi, sidoo kale kuwa dalalka shisheeyey laga soo qalday, waxaan leenahay ha isaga tagaan dalkan, dalkan Soomaaliya ayaa leh, dhalinyarada Soomaaliyeed waxaan diyaar ula nahay in aan badbaadinno mustaqbalkooda” ayuu yiri madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay is caawiyaan oo ay meel uga soo wada jeestaan Alshabaab “Farriinteennu waan ku celinayaa haka faa’ideystaan cafiska dowladda dhallinyarada Al-Shabaab ka tirsan ee weli fikirkaas qaldan aamisan” ayuu sidoo kale yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

R/wasaaraha Soomaaliya, C/weli Sheekh Axmed oo ka hadlay dilka la sheegay in loo geystay hogaamiyihii Alshabaab ayaa sheegay in dowladda iyo dalalka taageera sii wadi doonaan dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.

“Xukuumadda Federaalka Soomaaliya go’aankeeda ku aaddan in la sii wado dagaalka ka dhanka ah argagixisada waa ay sii wadi doontaa, sidoo kale waxaan ka faa’ideysan doonnaa taageerada wadamada caalamka Soomaaliya ee dhanka la dagaallanka nabad-diidka, marnaba Xukuumadda ma oggollaaneyso in dagaal lagu halaago dhallinyarada Soomaaliyeed, baaqii Xukuumadda ee cafiska loogu fidiyey dhallinyarada Shabaab ka tirsan haka faa’ideysyaan ayaan lee yahay mar kale “ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya.

Wasaaradda Gaashaan-dhigga ee dalka Maraykanka (Pentagon-ka) ayaa shalay shaacisay in la xaqiijiyey geerida hoggaamiyihii Ururka al-Shabaab Axmed Cabdi Godane (Sheekh Mukhtaar Abu-Zubeyr), oo ku dhintay duqeyn ay Isniintii lasoo dhaafay diyaaradaha Maraykanku ka geysteen gobolka Shabeelada Hoose.

War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in saraakiil ka tirsan sirdoonka Maraykanku ay xaqiijiyeen dhimashada Axmed Cabdi Godane oo lixdii sano ee lasoo dhaafay ahaa hoggaamiyaha sare ee Ururka al-Shabaab oo isagu qayb ka ah Ururka al-Qaacida.

“Geerida Godane waxay ka dhigan tahay khasaare weyn oo soo gaartay al-Shabaab oo ah laanta ugu weyn Al-Qaacida Qaaradda Afrika, waxayna taasi ku timi dadaal sanado badan soconayey oo ay sameeyeen xirfadleyaasheena dhanka sirdoonka, militeriga iyo ilaalinta sharciga…” qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Gaashaan-dhigga Maraykanka ayaa sidaas lagu yiri.

Xarkada Alshabaab ayaan ilaa hadda ka hadlin dilka la sheegay in ciidamada Mareykanku gobolka Shabeellaha Hoose ugu geysteen hogaamiyaha Alshabaab, Axmed Cabdi Godane.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!