Madaxda Soomaaliya Oo Ku Baaqay In Loo Gurmado Dadka Duufaaanta Cyclone Ay Kula Dhufatay Xeebaha Puntland

Muqdisho, Mareeg.com: Madaxda dowladda Soomaaliya ayaaa baaq u jeediyey caaalamka kaasoo ku saabsan in loo gurmado dadka ku waxyeeloobay duufaaanta Cyclone eek u dhufatay xeebaha Bari ee Soomaaliya gaar ahaaan deegaanada Puntland.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud ayaa wuxuu si khaas ah ugu tacsiyeeyay eheladii iyo asxaabtii ay ka geeriyoodeen muwaddiintii ku geeriyooday duufaanihii ka dhacay Soomaaliya, gaar ahaan xeebaha Puntland.

Madaxweynahu waxuu u diray baaq deg-deg ah beesha caalamka oo uu yiri “Caalamku waa inuu gurmad deg-deg ah la soo gaaraa dadkii ay saameeyeen duufaaanta Cyclone oo boqolaal ay ku geeriyooday, kumanaan qofna uu hoy la’aan dhigay, isla markaana xoolihii saameeyey. Waa maalin mugdi ah oo dhammaan Soomaalida meel walba ay joogaan waa inay gar-gaar deg deg ah la soo gaaraan wallaalahooda.

“Waxaan EEBBE uga baryayaa dhammaan intii ku geeriyootay inuu janadii ka waraabiyo, eheladii iyo asxaabtii ay ka geeriyoodeena uu samar iyo Iimaan ka siiyo.” ayuu yiri Madaxweynaha. “ Duufaanta xoogga leh ee wadato roobab waxey khasaare weyn u geysatay degaanada xeebaha Puntland, Somalia oo xoolo, duunyo iyo khasaare nafeedba ay geysatay. Madaxweynaha ayaa sidoo kale yiri “Waana inaan u wada gurmanaa oo aan waxba la harin”

Sidoo kale, Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa shacbiga Soomaaliyeed ee wax heysta iyo dalalka caalamkaba ugu baaqay iney gurmad deg deg ah u fidiyaan shacbiga Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobollada Barri iyo Nugaal ee Dalkeenna kuwaasi oo ay saameysay duufaanta Cyclone.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa yiri “Waxaan doonayaa inaan muujiyo dareenkeyga ku aadan masiibada ay naftooda ku waayeen Shacab Soomaaliyeed oo ku dhaqan gobollada Barri iyo Nugaal ee Puntland,hor iyo horaan waxaan tacsi u dirayaa dadkii ay ehelladooda ku geeriyoodeen duufaantan,sidoo kalena waxaan tacsi taa la mid ah u dirayaa guud ahaan shacbiga iyo dowladda Puntland oo aan leeyahay dadkii naga dhintay Alle samir iyo iimaan hanaga wada siiyo,Allena naxariistiisa jano ha siiyo”

“Waxaan caalamka ugu baaqayaa iney gacan ka geystaan sidii gurmad deg deg ah loogu fidinlahaa dadka ay saameeysay duufaanta Cyclone oo iyagu ahaa dad u badan xoola dhaqato, waxaanna hada warka ku heynaa in dad badan ay masiibadan dhacday xoolahooda ku waayeen, sidoo kalena waxaan shacbiga Soomaaliyeed xusuusinayaa in marka sidan oo kale ay masiibo u dhacdo in nalagu yaqaanay inaan isku gurmanno, saa daraadeed waa inaan u gurmanaa dadka walaalaheen ah ee ay duufaanta Cyclone saameysay”.

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa ku baaqay in loo gurmado dadka ku wax yeeloobay dabaylaha roobka wata ee ‘cyclone’ ee ka dhacay xeebaha Puntland. Waxaana uu u tacsiyeeyay qoysaskii ku waayay eheladooda iyo dhamaan intii waxyeeladu ka soo gaartay.

“Waxaan dhamaan hay’adaha dawliga ah, shacbiga Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan iyo deeq bixiye yaasha beesha caalamkaba ka codsanayaa in ay si banii’aadamnimo ku jirto ugu gurmadaan, gaargaarna ula gaaraan ummaddeena ay dhibaateeyeen dabaylaha roobabka wata.” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaruha oo intaa ku daray inay tahay musiibo qaran oo aad u baaxad weyn taasoo ku dhinteen boqolaal qof kuna waxyeeloobeen kumaan qoys.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa dhanka kale xusay in cimilada is badashay iyo robabkan dabaylaha wata ay cagta mariyeen deegaanadii horey loogu yaqiinay Xaafuun ee horey ay u saamaysay Tsunami sanidii 2014. Waxaa uu yiri musiibadan dabiiciga ahi khasaare weyn bay ummaddeena gaar ahaan reer Puntland u gaysatay, waase garab taaganahay kuweena ay dhibaatadu ka soo gaartay.

“Waa musiibo qaran, oo loo bahan yahay inaynu si midaysan u wajahno kasoo kabashadeeda. Waxay saamaysay qobolaal shacbi ah, waxaana markale ku celinayaa inaan si Islaanimo, banii’aadanimo iyo Soomaalinimo ku jirto ugu gurmano una garab istaagno xiligan ay baahida weyn u qabaan taakuladeena.” ayuu kula dar-daarmay Ra’iisal Wasaaruhu ummadda Soomaaliyeed.

Madaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaan Faroole ayaa shalay Garowe uga dhawaaqay xaalad deg deg ah kadib markii duufaaanta Cyclone garaacday xeebaha deegaanada Puntaland, iyadoo maamulkaas sheegay iney dhinteen ilaa 100 ruux.

Mareeg.com