Madaxda Soomaaliya iyo Jabuuti oo dhagax-dhigay Xarunta Akadeemiya Goboleedka Afka Soomaaliga * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxda Soomaaliya iyo Jabuuti oo dhagax-dhigay Xarunta Akadeemiya Goboleedka Afka Soomaaliga

Mareeg.com: Madaxweynaha Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si wadjir ah u dhagaxdhigay Xarunta Akadeemiya Goboleedka daryeelka Afka Soomaaliga, kaasi oo laga dhisayo degmada Shangaani ee gobolka Banaadir.

Labada Madaxweyne ee Soomaaliya iyo Jabuuti waxa ay sheegeen in xaruntan ay wax badan ka tari doonto horumarinta Afka Soomaaliga.

Jabuuti iyo Soomaaliya dedaal ugu jira sidii loo hormarin lahaa Afka Soomaaliga, iyadoo uu maanta MUqdisho ka dhacay kulan weyn oo looga hadlay maalinta Afka Hooyo.

Kulanka waxaa ka qeybgalay wakiilo ka kala socday dhulalka looga hadlo Afka Soomaaliya, ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, Jamhuuriyadda, Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo Gobolka Woqooyi Bari Kenya.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!