Madaxda Soomaaliya oo kasoo muuqday markab milateri oo Turki ah

Mudisho – Mareeg.com: Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’isul Wasaaraha dalka C/weli Sheekh Axmed Maxamed, Wasiiro ka tirsan Xukuumadda  ayaa markab ay leeyihiin ciidamada badda  dalka Turkiga oo ku soo xirtay dekeda Muqdisho kula kulmay saraakiil ka tirsan ciidamada badda ee dalkaasi iyagoo ku soo dhaweeyay dekeda Muqdisho, iyadoo maraakiibtaasi tiro ahaan ay ahaayeen 4 markab.

Turki 22

Madaxweynaha dalka Xasan Sheekh Maxamuud oo warbaahinta kula hadlay mid ka mid ah maraakiibtaasi ayaa xusay inay sharaf weyn ay u tahay in ay ku soo dhoweyaan dalka maraakiibta badda Turkiga ee soo gaaray dekedda Muqdisho, waxaana uu kormeeray mid ka mid ah maraakiibtaasi oo ay ku wada qadeeyeen.

Turki 11

“Waxaan ka mahadcelinayaa deeqda dawada ah oo ay ugu talo galeen isbitaalada magaalada Muqdisho ay maamulaan walaalaha Turkiga islamarkaana ay ku caawiyaan dadka Soomaaliyeed ay na soo gaarsiiyeen maraakiibtani, runtii aad baan idiin kaga mahad celinaynaa caawimaada dhabta aad na siineysaan” ayuu yiri Madaxweyne Xasan.

Saraakiisha Turkiga ah ayaa madaxweynaha  warbixin ka siiyay socdaalkooda, iyagoo sheegay in socdaalkooda uu qeyb ka yahay safar ay ku marayaan wadamada Africa ee Xeebaha leh, Waxaana Safiirka Dowladda Turkiga Kamaaludiin Turan oo halkaasi ka hadlay ayaa  ku amaanay madaxda dalka  howsha baaxada leh oo ay u hayaan Umadda Soomaaliyeed.

Turki 55

Saraakiishani oo uu hogaaminayo taliyaha Ciidamada Badda Dalka Turkiga, Rear Admiral Ali Murat ayaa sidoo kale xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga kulan kula qaatay Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo uu ugu horeeyo taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gen Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe.

Kabada dhinac ayaa ka wada hadlay iskaashiga iyo calaaqaadka dhanka Ciidamada ah, waxaana taliyaha Ciidanka Xoogga dalka iyo taliyaha Ciidanka Badda ay is weydaarsadeen hadiyado kale duwan, iyagoo dhanka kale wafdigaasi la kulmay wasiirka gaashaandhiga mudane Maxamed Sheekh Xasan Xaamud.

Turki 333

Dowladda Turkiga oo mashaariic farabadan ka wadda Soomaaliya ayaa dhanka kale Soomaaliya la gashay heshiis milateri oo lagu caawinayo ciidamada Soomaaliya.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245