Mareeg Media
Somalia

Madaxda Sare ee dalka oo ka hadlay geerida Wasiirkii Dastuurka Somalia

Madaxweynaha JFS Mudane, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyadeeyay geeridii ku timid Wasiirkii dastuurka XFS marxuum, C/raxman Xoosh Jibriil oo Maanta ku geeriyaaday Isbitaal ku yaala Magaalada Dubai ee Dalka Isutagga Imaaraadka Carabta.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xasan Cali Khayre ayaa Sidoo kale ka tacsiyeeyay Geeridii ku timid Allaha uxariistee Wasiirkii Dastuurka XFS.

Sidoo kale Guddoonada labada Gole ee BFS, Ra’iisul wasaare ku-xigeenka XFS, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Xisaabiyaha Guud ee Qaranka iyo Hanti dhowrka Qaranka ayaa dhamaantood tacsi ka diray Geeridii ku timid wasiirkii Dastuurka.

Wasiirkii Wasaaradda arrimaha Dastuurka Soomaaliya, C/raxmaan Xoosh Jibriil, ayaa waxaa si kedis ah u haleelay xanuun deg-deg ah,  xilli uu ku sugnaa Magaalada Dubai ee Dalka Imaaraat-ka Carabta, isagoo mudda yar ka dibna ku geeriyooday Isbitalka Dubai.

INNAA LILAAH WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!