Madaxda maamulka Juba iyo Puntland oo wadahadal uga furmay Kismaayo

Mareeg.com: Madaxda Puntland iyo Maamulka KMG ah ee Jubba ayaa maanta wada-hadallo ku leh magaalada Kismaayo ee xarunta Maamulka Jubba.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlaya arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin adkaynta xiriirka labada maamul, iskaashiga la dagaallanka argagaxisada iyo ka wada-shaqeynta qorshaha 2016 ee siyaasadda dalka Soomaaliya.

Madaxweyne Cabdiweli Gaas ayaa lagu wadaa in maanta uu booqasho ku tago dekedda magaalada Kismaayo, oo ah isha dhaqaale ee ugu weyn ee maamulka Jubba ku tiirsan yahay.

Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shalay gaaray magaalada Kismaayo, isagoo booqasho 3 maalmood qaadan doonta halkaas ku joogi doona.

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245