Madaxda Jubbaland oo la heshiiyay Siyaasiyiinta Gedo+Xil ka qaadis

Read Time:42 Second

Doolow ( Mareeg)-Warar hada na soo gaarey ayaa sheegaya in la soo gaba gabeeyay shirkii wadahadalka ahaa ee u dhexeeyay Masuuliyiinta Maamulka Jubba iyo Siyaasiyiinta Gobolka Gedo oo ka dhacayay Degmada Doolow ee Gobolka Gedo.

Shirka ayaa waxaa laga soo saaray qodobo muhiim ah oo ay ka mid yihiin in Dastuurka Maamulka Jubbaland dib u eegis lagu sameeyo waxna laga bedelo.

Sidoo kale in Maamullada degmooyinka Jubbaland la dhameystiro iyo qodobo kale, waxaase markii shirka soo idlaaday uu Madaxweynaha Jubbaland uu soo saaray Digreeto uu xilka kaga qaaday guddoomiyihii Gobolka Gedo Max’ed Cabdi kaliil.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa u Magacaabay xilka Guddoomiyaha Gobolka Gedo Axmed Buule Max’ed oo horay u ahaa guddoomiyihii Degmada Luuq ee Gobolka Gedo.

Markii ay soo baxday Wareegtada ayaa Shabelle xiriir ay la sameysay Max’ed Cabdi kaliil waxa uu gaashaanka u daruuray xil ka qaadistiisa.

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %