
Maanta ayaa la filayaa in dalka Jabuuti uu ka furmo shir dib-u heshiisin ah oo u dhaxeeya Madaxda Maamulada Galmudug iyo kan Gobolada Dhexe ee Ahlusuna Waljamaaca.
Shirkan ayaa ah wajigii labaad,waxaana kan kii ka horeeyay uu ka dhacay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya, iyada oo uu Garwadeen ka yahay Urur Goboleedka IGAD.
Hogaamiyaha Maamulka Gobolada dhexe ee Ahlusuna Sheekh Maxamed Shaakir ayaa Rajo wanaagsan ka muujiyay wadahadaladaas Maanta Jabuuti uga furmaya Mas’uuliyiinta Ahlusuna iyo Galmudug.
Shalay ayey ahyed Markii Dalka Jabuuti ay gaareen laba Wafdi ay kala hoggaaminayeen Hogaamiyaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Hogaamiyaha Maamulka Gobolada Dhexe Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan.