Madaxda dowladda oo cambaareeyey dilkii Sheekh Aadan Madeer * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxda dowladda oo cambaareeyey dilkii Sheekh Aadan Madeer

Mareeg.com: Madaxeweynaha Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud ayaa cambaareeyay dilkii magaaladda Muqdisho Loogu geystay  Marxuum Sheekh Aadan Maxamed Madeer oo ka mid ahaa Xlidhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Dabley hubeysan ayaa shalay xildhibaankaas ku dilay degmada Xamarweyne, xilli uu kasoo baxayey Masjidka caanka ah ee Marwaaz.

Madaxweynaha ayaa tacsi u diray eheladda , qaraabada, Baarlamaanka Soomaaliya iyo dhammaan umadda Soomaaliyeed geerida Allaah ha u naxariisee Marxuum Shiikh Aadan Maxamed Madeer.

“Waxa uu ahaa nin howl-kar ah oo wax badan u soo qabtay Qaranka iyo ummadda Soomaaliyeed, , Waxaa uu ahaa nin Dowladnimadda aad u jecel.” ayuu yiri Madaxweynahu.

Ugu dambeyntii Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa sheegay in cadaaladda mar la horkeeni doono kooxihii ka dambeeyay dilka Xildhibaanka iyo dilalka kalaba.

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Cabdiwali Sheekh Axmed Maxamed,  ayaa cambaareeyay dilkii shalay Muqdisho geystey, Marxuum  Sheekh Aaden Madeer oo ka mid ahaa xildhibaannada Soomaaliya.

Ra’iisal wasaaraha ayaa tilmaamay in dilka marxuumku qayb ka yahay falalka  Nabad diidku ku doonayaan in ay ku dhabar jabiyaan amniga caasimadda oo uu sheegay in la sii xoojin doono.

Mas’uuliyiinta laamaha amniga ee dalka ayuu ra’iisal wasaaruhu faray in ay qaadaan tallaabo kasta oo suura galinaysa in la soo qabto kuwa ka dambeeyey dilka marxuum Madeer.

Cabdiwali Sheekh Axmed ayaa ehelada, qaraabada, xildhibaannada iyo ummadda Soomaaliyeedba uga tacsiyeeyey geerida marxuum Sheekh Aadan Madeer oo koox dabley ahi maanta ku dishay magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa isaguna ka tacsiyadeeyey geerida Allaha u naxariistee Gudoomiyaha Guddiga Maalliyadda, Miisaaniyadda iyo la xisaabtanka Hay’adaha Dowladda Xildhibaan Sheekh Aadan Madeer oo lagu dilay Muqdisho.

Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa yiri “INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN, hor iyo horaan anigoo ku hadlaya magaceyga,magaca Guddoonka Baarlamaanka iyo magaca Xildhibaannada Golaha Shacabka Federaalka Soomaaliya waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Allaha u naxariistee walaalkeen Xildhibaan Sheekh Aadan Madeer,si gaar ah waxaan ugu tacsiyadeeynayaa carruurtiisa,qoyskiisa iyo guud ahaanba umadda Soomaaliyeed”

“Sheekh Aadan Madeer waxaa la dilay xili uu soo gutay waajibkii uu Alle saaray, isaga oo kasoo baxay salaadii Jimcaha masjid uu kusoo tukaday,waxaa dishay gacan ka xaq daran,kuwii dilay ayagaa dhib qaba aduun iyo aakhiraba,cawaaqibka ka dhalan kara inaad disho qof muslim ah oo Alle cibaadadiisa u taagan waan wada ognahay,Alle ayaa mudankooda marsiin doona insha Allah, Hay’adaha ammaankana waxaa waajib ku ah iney cadaalladda hor keenaan kooxihii ka dambeeyey falkaasi foosha xun”ayuu hadalkiisa raaciyey Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Ugu dambeyntii Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa Alle uga baryey marxuum Sheekh Aadan Madeer inuu naxariistiisa jano siiyo,carruurtiisa,qoyskiisa,ehellada iyo guud ahaanba Umadda Soomaaliyeed uu samir iyo iimaan ka siiyo.

Waxaa xusid mudan in Sheekh Aadan Madeer uu horay uga badbaaday isku day dil kadib markii uu qarxay gaarigiisa xilli uu ka maqnaa isla gudaha degmada Xamarweyne.

Mareeg Media

 

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!