Madaxda dowladda iyo maamul goboleedyada oo shir uga furmaya Muqdisho

Madaxda dowlad goboleedyada ayaa ku soo wajahan magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, halkaasoo maalmaha soo socda uu ka furmi doono shir u dhaxeeya Madaxda dowladda Dhexe iyo dowlad goboleedyada.

Shirkan ayaa looga hadlayaa arrimo ay ka mid yihiin dhaqan gelinta dhismaha ciidamada qaran, wadaaga kheyraadka, dib u eegista dastuurka, hanaanka doorasho ee hal qof iyo hal cod ee la rejeynayo in dalka ka dhacdo sanadka 2020.

Madaxda maamul goboleedyada ayaa illaa berri ku soo gaari doona magaalada Muqdisho, sida ay sheegayaan ilo wareedyo ku dhow dhow Madaxtooyada.

Wararka ayaa intaa ku daraya in shirka ay ka qeyb qaadan doonaan Wakiilada Beesha Caalamka.

Beesha Caalamka ayaa dareensan inay gaabis tahay howsha dastuurka iyo Doorashada 2020-ka, waxaana shirka warbixin la xiriirta hanaanka doorashada qof iyo cod uga dhici karto ka jeedin doona Guddiga doorashooyinka madaxa bannaan.

Qodobadii kasoo baxay shirkii Muqdisho ee Maamul Goboleedyada iyo dowladda Federaalka ayaan wax badan ka hirgelin, inkastoo ay degtay xiisadii ka dhex taagneyd maamullada iyo dowladda Federalka.

Shirkii ugu dambeeyay ee dhex maray Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa dhacay bishii November ee sanadkii hore.

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245