Madaxda Dowladda Federaalka Oo Ka Tacsiyeeyey Geeridii Cabdirisaaq Xaaji Xuseen * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxda Dowladda Federaalka Oo Ka Tacsiyeeyey Geeridii Cabdirisaaq Xaaji Xuseen

Muqdisho – Mareeg.com: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa ka tacsiyeeyey geeridii ku timid Allaah Naxariistii Janno hasiiyee Ra’isul Wasaarahii Hore ee Soomaaliya Marxuum Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ku geeriyooday Dalka Mareykanka.

Madaxweynaha ayaa tacsi u diray dhammaan ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan Qoyskii iyo Asxaabtii uu ka geeriyooday Allaha u Naxariistee Ra’isul Wasaarihii hore Soomaaliya Marxuum Cabdirizaq Xaaji Xusseen.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Marxuumku door weyn ka soo qaatay halgankii xoriyadda ummadda Somaliyeed iyo dhisitaanka Dowladda Soomaaliya.

Ugu dambeyntii Madxaweyne Xasan Sheekh ayaa Alle uga baryay Marxuum C/Risaaq inuu Janatul Fardawsa ka waraabiyo, Eheladiisa, Asxaabtiisa, iyo Shacabka Soomaaliyeedna Samir iyo Iimaan ka siiyo.

Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya mudane C/weli Sheek Axmed Maxamed ayaa ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeeyey geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Allaha u naxariistee C/risaaq Xaaji Xuseen oo ku geeriyooday dalka Maraykanka.

Isagoo ku hadlaya Magaciisa, kan Xuumadda iyo kan shacabka Soomaaliyeed ayuu Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed tacsi u diray qoyskii uu ka geeriyooday Ra’iisul wasaarihii hore iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed, waxana uu ugu duceeyey in Illaah janadii Fardowso ka waraabiyo. Ra’iisul Wasaare C/weli ayaa qabanqaabada aaska qaran ee loo samaynayo C/risaaq Xaaji Xuseen u magcaabay guddi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare-ku-xigeenka ahna Wasiirka Diinta iyo Awqaafta mudane Ridwaan Xirsi Maxamed.

Dhanka kale, Ku simaha Madaxweynaha Dalka ahna Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ka tacsiyadeeyey geerida ku timid Allaha u naxariistee Marxuum C/risaaq Xaaji Xuseen oo ahaa Ra’isulwasaarihii Labaad ee Dalkeenna.

Ku simaha Madaxweynaha Dalka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa si kooban uga waramay Taariikhda Allaha u naxariistee Ra’isulwasaare C/risaaq Xaaji Xuseen waxaana uu yiri “taariikhda marxuum C/risaaq Xaaji Xuseen cid Soomaali ah oo aanay ogeyn ma jirto waxa uu leeyahay taariikh weyn,waxa uu kaalin mug leh ku lahaa halgankii gobonimodoonka Umadda Soomaaliyeed iyo dhismaha dowladnimada,taariikhdiisana waxey tusaale u tahay guud ahaan Umadda Soomaaliyeed gaar ahaanna dhalinyarada,xitaa markii ay dowladdii dhexe bur burtay waxa uu isku dayey in mar walba ay xal dowladnimo hesho”

Isago hadalkiisa sii wata Ku Simaha Madaxweynaha Dalka ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa xusay in gudi ka kooban labada Gole ee Dowladda oo ay kala hormuud u yihiin Gudoomiye ku xigeenka Koobaad ee Golaha Shacabka Mudane Jeeylaani Nuur Iikar iyo Ra’isulwasaare ku xigeen ahna Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Mudane Ridwaan Xirsi Maxamed u xil saaray Aaska Qaran ee Ra’isulwasaare C/risaaq Xaaji Xuseen,shacabka Soomaaliyeedna waan usoo sheegi doonnaa halka uu ka dhacayo iyo waqtiga la aasi doono.

“Ugu dambeyntii anigoo ku hadlaya Magaceyga,Magaca Gudoonka Baarlamaanka, Magaca Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Magaca Xukuumadda iyo magaca Xildhibaannada Golaha Shacabka waxaan halkaan tacsi tiiraanyo leh uga dirayaa guud ahaan shacbiga Soomaaliyeed oo aan leeyahay Alle samir iyo Iimaan hanaga wada siiyo, Janadii Fardowsana Alle haka waraabiyo” ayuu Prof. Jawaari.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!