Madaxda Dalalka IGAD Oo Nairobi Uga Shiraya Colaadda Koonfurta Sudan

Read Time:1 Minute, 4 Second

Nairobi, Mareeg.com: Madaxda dalalka urur goboleedka IGAD ayaa maanta oo jimace ah ku kulmaya magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, si ay uga wada hadlaan dadaal lagu qaboojinayo collaadda sokeeyey ee Koonfurta Sudan oo ay ku dhinteen ilaa 1,000 ruux.

Kulanka manta madaxda dalalka bariga Afrika ku yeelanayaan Kenya ayaa imaanaya kadib markii shalay ay Koonfurta Sudan booqasho gaaban ku tageen madaxweynaha dalka Kneya, Uhuru Kenyatta iyo Raysul Wasaaraha Itoobiya, Hailemariam Desalegn.

Uhuru Kenyatta iyo Hailemariam Desalegn ayaa magaalada Juba ee caasimadda Koonfurtsa Sudan kula kulmaya madaxweynaha dalkaas Salva Kiir oo ciidamadiisu dagaal xoog leh kula jiraan falaago uu horkacayo ku xigeenkiisii hore Rieck Machar.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay gaaray magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya si uu uga qeyb qaato dadaalka lagu qaboojinayo colaadda Koonfruta Sudan oo isu rogtay colaadd beeleed.

Sidoo kale, waxaa daalka Kenya gaaray madaxda dalalka Jabuuti, Sudan, iyo Koonfurta Sudan, waxaana kulanku ka dhacayaa xarrunta madaxtooyada Kenya ee Nairobi.

Dhanka kale, Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in qeybta ugu hoooreyso ciidamo lagu xoojinayo nabad iaaliyaasha UN-ka ay gaari doonaan Koonfurta Sudan muddo 48 saac gudahood ah.

Dagaalka oo socda muddo 12 maalmood ah ayaa barakiciyey ilaa 50,000 oo qof, kuwaasoo intooda badan gabaad ahaan u galeen xarrumaha Qaramada Midoobay ee dalkaas.

Mareeg.com

About Post Author

A warsame

Published by senior editor and managing Director of Mareeg Media Mr A Warsame Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %