Madaxda dalaka soo diray ciidamada AMISOM oo ku shiraya Jabuuti * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaxda dalaka soo diray ciidamada AMISOM oo ku shiraya Jabuuti

Mareeg.com: Madaxweynayaasha dalalka ciidamada nabad ilaalinta geeyay Soomaaliya ayaa manta la filayaa inay ku shiraan dalka Jabuuti.

Ujeedada waxa ay tahay sidii dib loogu eegi lahaa howlgalka iyo hagaajinta hanaankahowlgalka AMSIOM, la shaqeynta dowladda Soomaaliya iyo ciidamada amniga ee Soomaaliya.

Kulanka maanta la filayo waxaa ka horeeyay mid ay yeesheen wasiirada arrimaha dibadda ee dalalka ciidamada geeyay Soomaaliya oo uu shir gudoominayay madaxa amniga iyo nabadda ee Midowga Afrika, Smail Chergui.

Kulamada waxaa sidoo kale ka qeybgalaya wakiilo ka socda Qaramada Midoobeey, Midowga Yurub iyo hay’ado kale.

Madaxa isku xirka howlgalka AMISOM ee Somaaliya ayaa gudbiyay dalab uu ku sheegay in uu ku talinayo in la xoojiyo ciidamada amniga ee Soomaaliya, lana adkeeyo hormarada la garayo.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Cabdisalaan Cumar Hadliye, ayaa waxa uu u mahadceliyay ciidamada AMISOM, wuxuuna baraarujiyay qorsheynta wada shaqeynta AMISOM iyo ciidamada amniga ee Soomaaliya.

Madaxa nabadda iyo amniga ee AU, Smail Chergui waxa uu tilmaamay in howlgal adag oo ka dhan ah kooxda Alshaab si degdeg ah loo billaabo.

Wuxuuna ku baaqay in dalalka ciidamada geeyay Soomaaliya ay la yimaadaan qorshayaal lagu xaqiijinayo dhaqaale wanaagsan in loo qoodeeyo howlgalada ciidan.

Francisco Madeira, oo ah wakiilka AU ee howlgalka Somaliya ayaa shirarka AMISOM ee Jabuuti ku tilmaamay muhiimad lagu go’aaminayo wadashaqeyn wanaagsan, isku xirka howlaha AMISOM iyo kuwa la shaqeeya.

Go’aankii ka soo baxay kullankii heerka wasiirada ahaa ayaa maanta loo gudbinayaa madaxweynayaasha dalalka ciidamada AMISOM ay ka socdaan ee manta ka dhacaya Jabuuti.

Alshabaab ayaa la rumeysanyahay iney bedeleen qorshihii dagaal ee ay kala horjeedeen ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM, taasoo keentay iney galaan xerrooyin ciidan oo uu leeyahay Midowga Afrika.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!