Sawirro: Madaxa shirkadda leyrarka soollarka Gaalakacyo oo gaarigiisa la qarxiyey

Read Time:51 Second

Mareeg.com: Wararka ka imaanaya magaalada Galaakacyo ayaa sheegaya in maanta la qarxiyey gaari uu lahaa madaxa shirkada Soollarada magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, Maxamed Dhaban-Cad oo sidoo kalana la sheegay inuu u shaqeeyo hay’adda  UNOCHA ee Qaramada Midoobay.

Maxamed Dhaban-Cad ayaa ka badbaaday qaraxa lagu xiray gaarigiisa, hase yeeshee waxa uu dhaawac ka soo gaaray shan qof oo goobta ka ag dhawaa.

Googayaal ah ayaa warbaahinta u sheegay xilliga uu gaarigu qaraxay uusan qofna ku jirin, dadka uu dhaawacana ay ahaayeen kuwa gaariga ku dhawaa.

Madaxda shirkada Sollarada Gaalkacyo, Maxamed Dhaban-Cad ayaa la sheegay uu gaariga ka degay daqiiqado ka hor xilliga qaraxu dhacay.

Maxamed Dhaban-Cad ayaa maamule ka ah shirkad magaalada Gaalkacyo ku  xirtay layrarka cadceeda ku shaqeeya ee habeenkii ifiya magaalada Gaalkacyo.

Lama oga sababta gaarigiisa qaraxan loogu xiray, hase ahaatee Alshabaab ayaa neceb leyrarka cad-ceedda ku shaqeeya, waxeyna ugu yeeraan Laafo gaalo.

Leyrarka ku shaqeeya sollarka oo markii ugu horreysay Muqdisho lagu bilaabay ayaa qaar badan oo ka mid ah la qarxiyey.

Mareeg Media

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.