Madaxa Amisom Oo Soo Dhaweeyey Qaraarka Golaha Amaanku Ku Kordhiyey Amisom

Read Time:58 Second

New York, Mareeg.com: Madaxa Howlagalka AMISOM, islamarkanaa aha Ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Danjire Mahamat Saleh Annadif ayaa soo dhoweeyay go’aanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay talaadadii ku ansixiyy kordhinta tirada ciidamada AMISOM lagu daro 4,400 askari oo dheraad ah si loo xoojiyo dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.

Danjire Annadif ayaa sheegay in go’aanka Golaha Ammanka uu ku soo beegmay xilli ku habboon, iyadoo ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda federaalka ay guulo la taaban karo ka gaareen sidii Shabaabka looga saari lahaa magaalooyin muhiim ah.

Mohamet Saleh Annadif ayaa sheegay in qaraarka ka soo baxay Golaha Ammaanka uu muujinayo muhiimadda beesha caalamka ay siinayso dadaalka Midowga Afrika ee ku wajahan Soomaaliya.

Annadif ayaa sheegay in qaraarka Golaha Ammaanka ee ku aaddan kordhinta tirada ciidamada AMISOM uu ku yimid codsi Golaha Ammaanka iyo nabadda ee Midowga Afrika ku dalbaday in la kordhiyo tirada ciidamada AMISOM, wuxuuna u mahad celiyey dalalka dhaqaalaha ku taageera AMISOM.

Golaha Amaanka Qaramada Midoobay ayaa talaadadii shalay isku raacay in inka badan 4 kun askari lagu korhdiyo AMISOM, kuwaasoo Soomaaliya soo gaaraya sanadka 2014, iyadoo tirada ciidamadaas la gaarsiinayo 22,126 askari.

Mareeg.com

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %