Madaxa AMISOM oo gaaray Kismayo

Read Time:39 Second

Safiirka Midowga Afrika ee Soomaaliya Francisco Caetano Madeira oo Maanta tegay Magalada Kismaayo ayaa ka hadlay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo in Ciidamada Kenya laga saarayo Gobolada deegaanada Jubbalsnf.

Waxa uusheegay in howlgalka AMISOM uu qorshaynayo sidii Ciidamada Soomaalida loogu wareejin lahaa Amniga dalka,waxaana uu beeniyay  wararka la isla dhexmarayay ee la xiriira in is badal lagu sameeyay Ciidamada AMISOM ee jooga Jubbaland.

AMISOM ayuu wakiilku sheegay in ayna faraha la galaynin Arimaha doorashooyinka wixii kaalmo ah ee Jubbaland ay uga baahatana ay la garab taagan yihiin wuxuu xusay in ay rajaynayaan in doorasho xalaal ah ay ka dhacdo Jubbaland.

Hadalkaan kasoo yeeray Safiirka Midowga Afrika ee Soomaaliya Francisco Caetano Madeira ayaa imaanaya xilli Maanta inta badan Warbaahinta Soomaalida ay shaaciyeen in Ciidanka Kenya laga saaray Magalada Kismaayo.

 

About Post Author

Tuuryare

Abdirisaq is , a somali veteran journalist based in the Somali capital, Mogadishu. Twitter @tuuryare_africa tuuryare10@gmail.com Whatup:00252615990842
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %