
War kasoo baxay Madasha xisbiyada qaran ayaa looga hadlay war kasoo baxay dhawaan Hay,adda NISA oo ahaa in Qaraxii Exkontrool Afgooye uu ka dambeeyay dal Shisheeye.
Madasha Xisbiyada Qaran ayaa xustay in Warka NISA uu yahay war aan caddeyn dhab ah wadan oo lagu qanci karo, una muuqdo mid xaqiiqda jirta lagu daboolayo, lagana leeyahay ujeeddooyin qarsoon oolagu raalli gelinayo daneystayaal shisheeye oo qeyb ka ah loolanka awooddeed ee ka dhaxeeya wadamada danaha istiraatiijiyadeed ka leh Gobolka, gaar ahaan Soomaaliya
Warbixinta Madasha ayaa lagu sheegay in warbixintaasi lagu qarinaayay Fashilka Hay,adda NISA ee ka hortagid la,aanta Qaraxyadda.
Waxa ay sheegeen Haddii aanan lala wadaagin ehelada dadkii halka ku dhintay & kuwa dhaawacmay waxay caddeyn u tahay in NISA & Madaxda dalka ay si wadajir ah u galeen qiyaano qaran.
Dhammaan ehelada & shacabka waa in lala wadaagaa dalkii ka danbeeyay sida ay sheegeen NISA abaabulka qaraxa EX-Control Afgoye, haddii ay tahay been abuurna sharciga la horkeeno Madaxda Amniga.