Mareeg Media
Somalia

Madasha Xisbiyada Qaran oo ka digey Sharci la horgeynayo Golaha Wasiirada

Qoraal kasoo baxay Madasha Xisbiyada Qaran ayaa waxaa looga horyimid Hindise-sharciyeedka Hay’adaha aan Dawliga ahayn, 2019 ee ay soo gudbisay Wasaarada Qorsheynta Xukuumadda Soomaaliya.

Hindise-sharciyeedkaan ayaa waxaa Maanta kulan la leh oo ka doodaya Xildhibaannada Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya,hayeeshee Madasha Xisbiyada ay ka digeen.

Qoraalka Madasha ayaa waxaa lagu sheegay in Macnaha ugu weyn ee ku gadaaman xeerkan uu yahay in wasiir kasto Go’aan ka gaari karo meesha hay’adaha deeqaha bixiyaa u qeybinayaan kaalmooyinka dibadda ka yimaada.

Sidoo kale Xubnaha Madasha Xisbiyada ayaa waxaa ay sheegeen in Hindise-sharciyeedka Ha’adaha aan Dawliga ahayn uu qabad ku noqon doono heshiisyadii lala galay Somaliland oo dhigayay in aan la siyaasadeyn arimaha gargaarka banii’aadanimo iyo mashaariicda horumarinta.

Hoos Ka Akhriso Qoraalka Madasha Xisbiyada Qaran.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!