Madasha Xisbiyada oo War kasoo saarey dhibaatada Ciidamada Itoobiya ee Gedo
War-saxaafadeed ay soo saareen Madasha Xisbiyada Qaran ayaa waxaa ay ku sheegeen in Ciidamada Itoobiya ay wadaan afduub, cagajugleyn iyo xarig Madaxdii maamulada degmooyinka kala ah Beled-xaawo, Luuq iyo Doolow.
Waxaa ay sheegeen in Madaxweyne Farmaajo uu ka baxay qoodb kamid ah heshiiskii ay dhawaan la galeen oo ku aadanaa Arrimaah Jubbaland iyo gedo oo tacadiyo ay geysanayaan Ciidamada Itoobiya.
Ugu dambeyn waxaa ay ugu baaqeen dowladda Itoobiya inay faraha kala baxdo Arrimaha Soomaaliya iyo muranka siyaasadeed oo u dhaxeeyay Soomaalid,isla markaana ixtiraamto deris wanaagga.
Comments are closed.