Madasha Xisbiyada oo ka baxay heshiiskii ay la galeen Farmaajo

Qoraal ay soo saareen Madasha Xisbiyada Qaran ee uu hoggaamiyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa ay ku sheegeen in uu bur burey wada-hadaladii iyo heshiiskii ay la galeen Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Waxaa ay ku eedeeyeen Madaxweynaha in uu dhamaan ka baxay qodobadii ay kula heshiiyeen ee dhinacyada Amniga,Xuriyadda hadalka, doorashooyinka iyo in Shacabka uu u soo bandhigo heshiiskii ay wada galeen.

Qoraalka ay soo sareen oo ku qornaa Luuqada Ingilish-ka ayaa waxaa ay ku sheegeen in Madaxweynaha uusan fulin qodobada heshiiskaas,sida dhinaca amniga & socdaalka,iyaga oo sheegay in xayiraad Malain cad la saarey  Xildhibaan Daleys Xasan Aadan oo katirsan Golaha Shacabka.

Dhamaan heshiiskii ay la gaareen Madaxweynaha ayay ku sheegeen in uusan dhab ka aheyn,hayeeshee u jeedada uu ka lahaa ay aheyd arrin siaaysadeed,sidoo kalena uusan dooneyn in uu wada-hadal dhab ah la galo saamileyda siyaasadda dalka.

Hoos Ka Akhriso Qoraalka ay soo saareen Madasha Xisbiyada Qaran

About Ardaan Yare 1749 Articles
Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga