Madal ay ku mideysanyihiin siyaasiyiin badan oo looga dhawaaqay Muqdisho * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madal ay ku mideysanyihiin siyaasiyiin badan oo looga dhawaaqay Muqdisho

Mareeg.com: Shalay waxaa magaalada Muqdisho lagu qabtay shir ay ku midoobeen Xildhibaano, wasiiro, xisbiyo iyo ururo siyasadeed.

Wasiirada iyo xildhibaanada Isbaheysigaas ku jira ayaa ah xubnihii taageersanaa R/wasaarihii la riday C/weli Sheekh Axmed.

Xisbiyada ka qeybgalay Shirka Madasha Midnimada iyo Dimoqraadiyadaga ayaa waxaa sidoo kale ka mid ah Xisbiga Midnimo Qaran ee uu hogaamiyo Dr. C/raxmaan Macallin C/llaahi (Baadiyow).

Ba

Qoraal lag soo saaray shirkaas ayaa u qornaa sidan:-

Annaga oo ah saxiixayaasha bayaanka (manifestada) lagu assaasay Madasha Midnimada iyo Dimoqraadiyada, kana kooban xildhibaanno

(No….), siyaasiyiin (….), xisbiyo (….) iyo madalo siyaasadeed (….), waxaan shacbiga Somaaliyeed usoo bandhigeynaa dhaqan cusub ee siyaasadeed oo aan ku saleysneyn qabiilnimo, saldhigeedu yahay isbaheysi siyaasadeed oo ballaaran, una furan dhammaan muwaadiniinta Somaaliyeed. Waxaa kale oo isbaheysigaan u furanyahy, mudnaan gaar ahna siinayaa dhallinyarada iyo ururradooda isbedel-doonka ah.

Ujeedooyinka isbaheysiga ugu weyn waa horseedidda isbeddel dimoqraadi ah oo ka hanaqaada dalkeenna; ka hortagga dhaqanka kali-talisnimada ku saleysan xukun- iyo hanti-boobka iyo kala qaybinta shacbigeenna; ka dhabeynta maamul-wanaagga iyo dhaqangelinta hannaan dhaqan-dhaqaale oo xaqiijiya daryeelka iyo horumarka shacbigeenna. Waxay madashaan ka shaqeyndoontaa oo aan ku mideysannahay:

1. Ku dhaqanka sarreynta qaanuunka, Dastuurka iyo sinnaanta muwaadiniinta
2. Dhawridda iyo horumarinta xuquuqda insaanka iyo karaamadiisa
3. Dib-u-heshiisiinta dadkeenna iyo soo celinta xuquuqdooda
4. Xaqiijinta dimoqraadiyadda iyo kaqaybgalka siyaasadda Higsiga 2016
5. Horumarinta maamul-wanaagga iyo ka hortagga musuqmaasuqa
6. Soo celinta nidaamka kala danbeynta, amniga dalka iyo dadka.
7. Horumarinta dhaqaalaha, adeegga bulshada iyo bii’addeena
8. Soo celinta sharafta, karaamada iyo magaca Soomaliyeed

Saxiixayaasha bayaanka waxey sameyndoonaan hoggaan iyo qorshe-hawleedka madasha si loo xaqiijiyo himilada iyo barnaamijyada. Madashu waxey ugu baaqeysaa xisbiyada, siyaasiyiinta iyo madalada siyaasadeed iney kusoo biiraan isbaheysigaan ballaaran oo horseedaya midnimada xoogagga siyaasadeed ee Soomaaliya. Ugu danbeyntii, madashu waxey Ilaahey ka baryeysaa inuu tubta toosan tusiyo, tawfiiqdana waafajiyo.

DHAMAAD

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!