Madaafiic maanta ku dhacay hareeraha madaxtooyada Soomaaliya

Mareeg.com: Dhowr madfac oo aan la ogeyn goobta laga soo riday ayaa maanta duhurkii ku dhacay Madaxtooyada Soomaaliya iyo hareeraheeda, iyadoo aan la sheegin wax dhibaato ah oo ka dhashay.

Sida warar sheegayaan madaafiicda ayaa ku kala dhacay goob la dhigto baabuurta oo ku dhow wasaaradda maamliyadda oo madaxtooyada ku taalla.

Sidoo kale, waxaa madfac kale ku dhacay meel aan ka figeyn safaaradda Jabuuti ku leedahay Muqdisho oo ku taalla gudaha xeendaabka madaxtooyada.

Madfac kale ayaa ku dhacay guri ku yaala Xaafada Ex-Fiyoore, gurigaasoo la sheegay inuu degenaa sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya.

Madaafiicdan oo lagu soo beegay maalin cad ayaad la sheegay in ciidamada Amaanku ku guda jiraan baaritaan la xiriira halkii laga soo riday.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245