Madaafiic lagu weeraray Taliska Ugu weyn Ciidanka AMISOM ee Xalane * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Madaafiic lagu weeraray Taliska Ugu weyn Ciidanka AMISOM ee Xalane

Tiro Madaafiic ah ayaa xalay lagu garaacay xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho, xaruntan ayaana ah xarun si weyn loo ilaaliyo , waxaa dagay Taliska AMISOM iyo sidoo kale Hay’ado ajaaniib ah .

Afhayeenka Ciidamada AMISOM Joseph Kibet ayaa sheegay in sadax Hoobiye xalay lagu soo garaacay xarunta Xalane , waxa uuna tilmaamay in Madaafiicdaasi ku dhaceen banaanka Xarunta Xalane wax qasaaro ahna aysan geesan.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in xalay Saqdii dhaxe ilaa 7-Hoobiye ay ku garaaceen xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho waxa ayna xuseen saraakiil katirsan Al-Shabaab in ay dib kasoo sheegi doonaan qasaaraha ka dhashay madaafiicdaasi

Madaafiicda lagu garaaco qeybo kamid ah magaalada Muqdisho ayaa inta badan laga soo tuuraa gaari lasoo saaro madaafiicdaasi, waxaana bishii hore magaalada Muqdisho ciidamada booliiska ku qabteen gaari Homy ah oo laga tuuray Madaafiic ku dhacday Xamar Jajab iyo Waabari.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!