Muqdisho, Mareeg.com: Maanta waxey ku began tahay 21-ka November, waa maalinta qaran ee dalka Soomaaliya loo asteeyey Maalinta Macallinka Soomaaliyeed, maatna oo kale Soomaaliya waxaa la fasixi jiray dugsiyada si loo xuso kaalinta macaallinka.
Maanta oo ah 21-ka Novemver 2013 waxey kusoo aaday maalin ay Iskuulladu fasax yihiin, maadaama ay tahay Khamiis iyadoo Iskuullada Soomaaliya hadda shaqeeyaan 5 maalmood oo ka bilaabanaya Sabit, kuna dhamaanaya Arbaco.
Xilligaan Soomaaliya si muuqata loogama xuso maalinta macallinka Soomaaliyeed, inkastoo ay jiraan qeybo kooban oo ka mid ah ururada bulshada oo maalintaan xus aan weyneyn u sameeya.
21 Nonember sanadkii 1974-tii dowladii Soomaaliya ee berigaasi jirtay u aqoonsatay maalinta macalinka Soomaaliyeed, waxaana qrolaakan uga halaya Kaalinta iyo mudnaanta macallinka Soomaaliyeed oo xilligan ku shaqeeya duruuf adag.
Ilaahay Subxaanahu Watacaalaa wuxuu dadka baray wax aysan aqoon u lahayn, cilmigaa ilaahay barayna dadka wax aad u yar uunbaa Ilaahay ka siiyey, cilmiga intiisa soo hartay oo dhanna Alle SWT ayaa milkigeeda iskaleh, waxaase xaqiiq jirta ah in aan aqoonta macallinla, aan cidna kasban Karin, waxaana tusaale wanaagsan middaa u noqon kara Rasuulkeenna Muxammed Sallallahu Caleysi Wasallama in markii uu waxyigu kusoo degayey in uu Jibriil u ahaa bare oo uu quraanka ku dul akhrinayey.
Annaga haddii aynu nahay bulsho weynta Soomaaliyeed Macallinku qiimo weynbuu noogu fadhiyaa, oo xitaa intaan iskuullada la aadin kahor macallinka dugsi quraanka waaliddiinta iyo dadka deegaankuba qaddarin aad u weyn ayey u hayeen, marka cunuggu quraanka dhammeeyana waxaa waalidku macallinka siinjiray qaalin Geel, iyadoo qofkii geel la siiyo ay dadku u arkayeen in uu yahay qof wax gal ah oo deegaanka micno weyn ugu fadhiya.
Macallinka Soomaaliyeed wuxuu wax baridda carruurta Soomaaliyeed gacanta kusoo hayey muddo aad u fog iyo marxalado kala duwan oo qaarkood aad u dhib badanyihiin, sida bandanna macallinka Soomaaliyeed wuxuu ku shaqeeyaa mushaaraad u yaroo ma jiro macallin barenimadiisa daaro ka jeexday ama hanti kale ka kasbaday, laakiin waxa kali oo hawshiisa dahabka ah oo qiimaha badan uu ka dheefayayaa waxay tahay magac, sharaf, ixtiraam iyo in meel kastoo uu tagaba macallin kafadhiga looga istaago.
Waxaa ammaan mudan macallimiinta is xilqaamay oo markii xukuumaddii burburtay dugsiyada iyo jaamacadaha soo nooleeyey oo ka dhiidhiyey in waxbarashada daaku qaado, carruurta Soomaaliyeed ee xasillooni darrada iyo kala dambayn la’aanta ku dhashaynna ku eegan waayey in ay ku barbaaraan jahli iyo aqoonla’aan.
Dadaalkaa miraha dhalayee macallimiintu sameeyeen markii burburku dalka ka dhacay kadib waa sida roob lagu doogsaday, waayo haddii qofba qofku eegan lahaa, gacmahana la iskorsaaran lahaa, dhallinyaro aad u farabadan fursadda ay maanta haystaan ma aysan heli lahayn, iskullo iyo jaamacadana kama soobixin lahayn, sida maanta loo cayntaynna looma cayman lahayn dalka oo dhanna wuxuun oqon lahaa qof xabbad ridaya iyo mid kusoo ridaya, waxaa la yiri Haruurb daatay caanaadabadaa la qabanjiray, macallimiintu dalka iyo dadkaba way badbaadiyeen, Ilaahoow madaxooda iyo magacoodaba noo raaji wax qabadkoodana ka abaal mari adduun iyo aakhiraba.
Waxaan jeclahay in aan halkan ku kala dhigdhigo xarfaha uu ka koobanyahay erayga macallin waana sidan:
M= Masuul
A= Aqoonleh
C= Caadil ah
A= Anshaxwanaagsan
L= Layliye
L= Leefiye
I= Iftiimiyaha
N= Nolosha
Dhammaan Xarfahaasi waxay u taagan yihiin sifooyinka iyo tilmaamaha wanaagsan ee macallinku leeyahay, iyo xirfadaha uu isticmaalo si uu qofaan wax aqoon uga dhigo qof wax yaqaanna.
Intaa oo kali ah laguma soo koobi karo mudnaanta iyo amaanta macallinku leeyahay waxaa maskaxdooda iyo hal abuurkooda ugu hiilliyey suu gaanyahanno badan waxaana ka mid ah Heestan uu allifay Alle ha u naxariistee abwaan Xasan Sheekh Muumin oo uu ku luuqeeyey Alle ha u naxariistee Macallin Maxamed Mooge erayadeedana waxaa ka mid ah:
Waxaan Nahay Waadiga Dugsiyada
Waxaan Nahay Waanada Macallinka
Waxaan Nahay Waadiga Dugsiyada
Waxaan Nahay Waanada Macallinka
Waagii Beryaba Ubax Laga Waraabshoo
Waagii Beryaba Ubax Laga Waraabshoo
Waxaan Ku Werwereynaa
Waddankiinna Wax U Barta
Waddankiinna Wax U Barta
Oo Xambaara Waajibkiisa
Oo Xambaara Waajibkiisa
Wahsan Meynno, Waaban Meynno
Warwareegi Meynno Oo Weec weecan Meynno
WahsanMeynno, WaabanMeynno
Warwareegi Meynno Oo Weec weecan Meynno
Guul Wacan Oo Cadow Ka Waabto
Nolol Wanaagsan Iyo Barwaaqo
Nabad Lagu Wadaago
Ha Ku Waaro Waddankeennu
Ugu dambayntii waxaan Anigoo ku hadlaya magaca Dhaqaaqa Macallimiinta Soomaaliyeed ee Somali Teachers Action Group (SOTAG) maqaalkan kusoo gebagebaynayaa hambalyada xuska maalinta macallinka Soomaaliyeed ee 21-ka bisha November oo ay kazoo wareegtay 39 sano, dhammaan macallimiinta Soomaaliyeedna waxaan leeyahay hambalyo, waxaanna ugu baaqayaa in ay dadaalkooda sii kordhiyaan, Allana waxaan ugu baryayaa in uu siiyo liibaanta adduun iyo midda aakhiraba.
W/Q: Macallin Barre Sheekh Cabdullaahi (Bangaladhesh)