Macallin Dugsi Qur'aan oo xalay lagu dilay magaalada Baledweyne * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Macallin Dugsi Qur’aan oo xalay lagu dilay magaalada Baledweyne

Mareeg.com: Koox hubeysan ayaa xalay macallin dugsi ku dilay degmada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Saraakiisha ammaanka ayaa xaqiijiyay in Macalin Cilmi Cabdi Xasan, oo ka mid ahaa bareyaasha Qur’aanka ee magaallada ay toogteen koox dhalllinyaro ah, ayadoo ay ciidamadu ku daba jiraan kuwa dilka geystay.

Subaxnimadii hore ee saaka ayay ciidamadu baaritaano ka sameeyeen xaafadda Xaawo Taako oo ah halka uu dilku ka dhacay.

Bishii hore Xaaji Cismaan Qooroow oo ganacsade ahaa isla markaana odayaasha dhaqanka ka tirsanaa ayaa lagu dilay xaafadda Howl-Wadaag.

Dadka degaanka ayaa cambaareeyay dilka loo geysanayo dadka bulshada wax-galka u ah ee gobolka Hiiraan.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.