Xaalad ka taagan Kismaayo iyo Suldaan Luga dheere oo ku lug yeeshay Shaqaaqadii Kismaayo ka dhacday Dhawaan. * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Xaalad ka taagan Kismaayo iyo Suldaan Luga dheere oo ku lug yeeshay Shaqaaqadii Kismaayo ka dhacday Dhawaan.

Magaalada Kismaayo oo maalmihii u danbeeyey ay ka dhaceen shaqaaqooyin ay dad ku dhinteen kuwa kalena ay ku dhaawacmee,tan iyo shalayna laga dareemayey xoogaa daganaanosho ah,ayaa maanta kale dareenka dadka shacabka iyo Ciidamada uu kacsanyahay,waxaan saamayn ku yeeshay waan waan ay odayaasha dhaqanku ka dhex wadeen Ciidamada dhexdooda,taas oo habeenimadii xalay ay ka soo bixi wayday wax natiijo ah.

 

Warar Xog ogaal nimo ku dhisan oo aan ka heleyno  Magaalada Kismaayo ee Xarunta Maamulka Jubbaland ayaa sheegaya in Odayaashu ay doonayaan in ay xal ka gaaraan arinta keentay dhimashada ilaa sadex kamid ah Ciidamada Maamulka Jubbaland,waxyana Odayaasha ay askarta dhimatay hayb wadaagaan sheegeen in ay ku qanacsanyihiin in ragii dilka gaystay la soo qab qabto lana mariyo wadadii heshiiska lagu ahaa,taas oo ahayd in loo dilo Askariga dilay askari kale,iyadoon loo marin amar Dowladeed iyo Maxkamada Ciidan midna.

 

Sida ay sheegayaan Wararka aan ka helayno Magaalada Kismaayo Shirar xasaasi ah oo Maalmihii la soo dhaafay ay Odayaasha iyo Saraakiisha Ciidamadu ku wada jireen ayaa fashil ku dhamaaday waxayna Arintaasi keentay in ay isku  dhaceen labada Ciidan.

 

Xog hoose oo ay Kismaayo24 Heleyso ayaa sheegaysa in Suldaan Cabdiqaadir Luga dheere oo ah Siihayaha Xilka Madaxwayne Kuxigeenka Labaad uu qayb muhiim ah ku leeyahay Khilaafka sababta u ah dhimashada Askarta,isaga oo xiligan taageeray go’aanka iyo talada ay soo jeediyeen Odayaasha sheegayna in ayna suurogal ahayn,in loo dilo askarta dilka u gaystay askarta kale ee isla ciidamada Jubbaland ah ,iyadoo ayna jirin wax sabab ah oo uu sheegay Suldaan Cabdiqaadir Luga dheere.

 

Odayaasha qaarkood aaya sheegay in xaaladan ay ku haboon tahay in Madaxda iyo Masuuliyiinta Maamulka Jubbaland oo intooda badan ku maqan Magaalada Gaalkacayo lala sugo,xalka arintana loo daayo Siihayaha Wasiirka Arimaha Bulshada Maamulka Jubbaland Macalin Maxamed Ibraahim iyo Madaxwaynaha Maamulka Sh Axmed Madoobe.

 

Sikastaba Horay Dil sidaan ookale Kismaayo uga dhacay ayaa la toogtay guud ahaan Askartii Dilka Geystay Taas oo uu Amray Hogaamiye Sheekh Axmed Maxamed Islaam Madoobe, Arintaasi oo sababtay in uu yaraado Dilalkii bareerka ahaa ee ay geysan jireen Askarta Maamulka Jubba oo intabadan ka dhici jiray magaalada Kismaayo.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!